|
Xabsi U Diriddii Samsam Axmed Ducaale:
Sida Sharci Hayihii Ugu Mudnaadeen Sharcigii Loo Dhiibay
(SHHRF 0013/2004, Somali version, 19/12/2004)
Bishan Disember
15keedi ayaa Samsam Axmed Ducaale, gabar 16 jir ah, si lala yaabay loogu soo
oogay dacwad basaasnimo iyo shirqoolid Somaliland ka dibna lagu xakumay 5
sano oo xarig ah. Waxaa ummad badani amminsantahay in arrintaasi tahay mid
caddaaladda ka fog, maadaama aan maxkamadda la horkeenin wax caddayn ah ee
liddu ku ah Samsam. Kiiskani waa mid shaki ku dhisan, maadaama gabadhaan yar
lagu eedeeyey inay basaaseesay Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland. Waxaa
intaas dheer, Samsam waxay ka timid Puntland oo dagaal hadda ka dhex
aloosanyahay Somaliland, iyadoo la isku haysto labada gobol ee Sool iyo
Sanaag.
Xabsi u diridda
Samsam waxay muujinaysaa sida Somaliland ugu daddan tahay wareenka xaquuqul
iinsaanka. Xukunka aan sharciga ku dhisnayn (Kangroo court) wuxuu ina
tusayaa sida sharci hayihii ugu mudnaadeen sharcigii loo dhiibay.Taasi waa
la yaab ka dib markii Somaliland ay ku noolayad nabad iyo horumar in ku dhow
15 sano. Waa yaab kale in maanta la xasuusiyo dadka Somaliland muhiimadda ay
leedahay xaquuqul iinsaanku iyo dhibta ay leedahay maxkamad Kaangaru.
Waxaa la aaminsan
yahay in intay xirnayd Samsad uu jirdil iyo kufsi ku sameeyey booliska
Somaliland. Gabadhaas yar waxaa lagu xiray xabsiga dadka waaweyn, sidoo kale
waxaa loo maxkamadeeyey sidii qof waayeel ah. Markii maxkamadda la keenay
waxaa ayana xabsiga loo taxaabay qareennadii difaacayey, ayagoo lagu eedeeye
maxkamad quursi. Qaaddigii waxba kama soo qaadin eeddii ahayd in Samsam la
kufsaday lana jirdilay intii ay u xirnayd booliska Somaliland. Waxaa
dhaaftay in la sameeyo baaris rasmi ah.
Si loo aamusiyo dadka
uu dooda kiiska Samsam, waxaa la caddaynayaa in la xir-xiray, qaarna loo
hanjabay, gaar ahaan dadka u dhaq-dhaqaaqa xaquuqul iinsaanka Somaliland.
Sidoo kale qof alle qofkii dawladda ku eedeeyey arrinta Samasam waa loo
caga-jugleeyey.
Kiisku wuu soo jiitay
indhaha dad badan oo u ololeeyeya arrimaha xaquuqul iinsaanka, gudaha
Somaliya iyo daafaha adduunkaba. Waxaa ka mid ah hay'adda Ammensty
International iyadoo ku doodday in "maxkamadda Samsam tahay mid caddaaladda
la fog, aanna la keenin wax caddayn ah in gabadhaasi khatar galinaysay
nabadda dawaladda".
Haddii bulsho rabto
inay korto, hornayna u marto, waa muhiim inay ilaaliso sharciyada ay qoroto,
nidaamka dimoqoraaddiga ah ee ay doorbidday , sida Somalilandna ay ku
faanto. Sida aan hore ugu sheegnay, arrinta Somaliland waxay ina
xasuusinaysaa falalkii foosha xumaa ee nidaamkii Siyaad Barre, kaasoo
xadgudubka iyo gaboodfalka xaquuqul-iinsaanku ahaa mid joogto ah. Midda
kale, arrinta Samsam waxay burisay xeer Somaali soo jiray qarniyo kaasoo
ahaa in dumarka iyo carruurta la siiyo fiiro gaar ah. Arrinta Samsam waa
ceebaysay magaca Somaliland.
Xarunta Suldan Hurre
Human Rights Focus (SHHRF) waxay ugu yeeraysaa madaxda Somaliland inay
dhawraan sharciyadda iyo xaquuqul iinsaanka siina deeyaanna Samsam Axmed
Ducaale, sharuud la'aan, waayo waa wax lala yaabo in gabar 16 jir ah lagu
soo oogo dembi basaasnimo iyo shirqool madax qaran. Sidoo kale waxaan
madaxda Somaliland ugu yeeraynaa inay furaan baaris madaxbannaan si looga
gun gaaro kufsiga iyo jirdilka, ka dibna loo ciqaabo cidda ay ku caddaato.
Waxaa SHHRF aad ugu
bogaadinaysaa bulshada rayidka ah ee Somaliland mawqifka dahabiga ah
sharaftana leh ee ay ka istaagtay qaddiyadda Samsam Axmed Ducaale.
Sultan Hurre Human Rights Focus (SHHRF) |