|
OUR MISSION
SULTAN HURRE HUMAN RIGHTS FOCUS (SHHRF)
Sultan Hurre Human Rights Focus (SHHRF) was
founded in September 2002 as a forum to the issues of human rights
concern in the Somali regions.
We believe that human rights abuses were one of
the main reasons for the collapse of the former Somali Democratic
Republic. Similarly, taking no account on human rights issues and
humanitarian law in the Somali peace negotiations are some of the
main reasons for the failures of Somali peace conferences.
We named in the honour of Sultan Ahmed Mohamed
(known as Sultan Hurre). Sultan Hurre died while defending the
nascent grassroots democratic institutions which began in Puntland
State of Somalia following the collapse of the Somali state in the
early 1991. Sultan Hurre was assassinated in Puntland, on 17 August
2002, by the personal bodyguards of the unconstitutional president
of Puntland, Colonel Abdullahi Yusuf Ahmed.
The courage of Sultan Hurre became a symbol of
defiance for the Somali people.
In response to the concern of human rights issues
in the former Somali Republic regions, we formed this forum to
create awareness of human rights issues and to support Somali and
non-Somali human rights defenders in all Somali regions. Our
objectives include:
1. To promote the grassroots and democratic
development
2. To encourage the value of democracy in Somalia
3. To link human rights organisations
4. To promote peaceful solutions to the Somali
problem
5. To promote of peace in Somali
6. To raise awareness on women’s rights

UJEEDDAYADA
SULTAN HURRE HUMAN RIGHTS FOCUS (SHHRF)
Sultan Hurre Human Rights Focus (SHHRF) waxaan
bilownay 9kii Agoosto 2002 iyadoo loogu tala galay gola looga
baraarujiya walwalka laga qabo xad gudubka aadmiga ee dalka
Soomaaliya .
Waxaan rumeysannahay ismoogsiinta iyo ku tumashada
xaqa aadanuhu in ay ahaayeen waxyaabihii ugu waaweynaa ee keenay in
uu dumo qarankii Soomaliyeed. Ku tumashada xeerarka bani-aadamka
ayaa masuul ka ah inay Soomaalidu miis kasta ooy isugu yimaadaan ku
hungobaan in ay danta guud ku heshiiyaan.
Waxaan golahaan ugu magac daranay Suldaan Axmed
Maxamuud (loona yiqiinnay Suldaan Hurre). Suldaan Hurre wuxuu u
dhintay ilaalinta unugga xaq-soorkii ka billowday gobollada
Buuntlaan ee Soomaaliya sannadkii burburka qaranka ka dib. Suldaan
Hurre wuxuu ku dhintay 17kii bishii Agoosto 2002 gacanta ilaalada
ninka sharcidaraada isugu caleema saaray madaxweynanimada
Buuntalaan, Gashaanle-sare Cabdullaahi Yuusuf Axmed.
Geesinimada Suldaan Hurre waxay u noqotay ummada
Soomaaliyeed bar-tilmaameed mitidnimo ay ku diidaan dulmiga iyo
af-duubka xeerarka umaduhu ku dhaqmaan
Annagoo ka jawaabayna dareenka daryeel-xumadii
xaqa aadamiga ee ka jira Soomaaliya, waxaan abuurnay golahaan si
daboolka looga qaado cadaadiska iyo caburiska haysta dadka
Soomaaliyeed ee ku nool gobollada Soomaaliyeed. Isla markaasna aan
ku taageerno hay-adaha Soomaaliyeed iyo kuwa shisheeye ee difaaca
xuquuqda bani-aadamka.
Ulajeedooyinka aan leenahay waxaa ka mid ah inaan
taageerno:
1. Horumarinta unugyada daadihinta sinnaanta iyo
cadaaladda
2. Dhiirri gelinta qiimaha sinnaanta
3. Isku-xirka ururada u dooda xaquuqda dadka
4. Horumarinta wadadii loo mari lahaa nabadaynta
dalka
5. Horumarinta xoojinta nabada marka la helo ka
dib
6. Baraarujinta xuquuqda haweenka
|