Home  Our mission Contact Us | Somali Peace Rally | Free advert | Get Adobe Acrobat Viewer (free) 
About Sultan Hurre
SOMALI LINKS

(over 500 Somali links)
News/community
Online news
Culture/Literature
Religion
Radio/TV
Professional/Business
Personal pages

OTHER LINKS
Committee.to.Protect.Journalists

Benadir-Watch
I
nternational.Criminal.Court
UN Human Rights
Human.Rights.Watch
Amnesty International

Minnesota.Advocates.
      for
.Human.Rights

NOVIB Somalia
IRIN
International.Committee
           of
.the Red Cross

Somalia Refugees Report
Internationa.Crisis.Group
Kasmo Logo
 
Ururka Samafalka Jubbada Hoose
 
Issa Associates
 

 

 
 

AGOOSTo 17, 2007:
 WAA MAALINTII XASUUUSTA  SULTAN HURRE IYO QAYRKIIS
 
(SHHRF 0092/2007, 13 August 2007)
(Nuqul Soomaali )

AGOOSTO 17, 2008  waa sannad guuradii 5aad ee ka soo wareegtay dilkii foosha xumaa ee Sultan Hurre, oo ahaa aqoon yahan doonayey inuu gacan ka gaysto wanaagga dalkiisa hooyo, gaar ahaan gobollada Puntland uu ka soo jeeday. Sida uu Col. Cabdullahi Yusuf ka qirtay maxkamada London ku taal waxaa Sultan Hurre khaarijiyey mid ka mid ah ilaalada gaarka ah ee Cabdullahi Yusuf. Waxaa ayana qaabkaas oo kale loo dilay Farax-dheere 2002, iyo Cabdiraxmaan Caydiid 1984. Waxaa raggaas oo dhan ka dhaxeeyey oo kaliya inay ka soo horjeedeen siyaasadda gurracán ee Col. Cabdullahi Yusuf.

Suldan Axmed Hurre waxaa la aaminsanyahay inuu u dhintay dil ama khaarajin siyaasadeed, ficil ayaantaan dambe ku soo siyaadaya Soomaaliya. Maalmo ka hor qoraalkaan marka la soo saaray ayay ahayd markii adduunku ku naxay dilkii Cali Imaan Sharmarke iyo Mahad Axmed Cilmi- labo suxufi oo caan ahaa, oo midna maamule ka ahaa Idaacadda Capital Voice, midna ahaa la-mulkiile Idaacadda Horn Afrique. Waxay ahayeen laba nin oo aad loogu baroor-diiqay. Sanad in ku dhow baa ka soo wareegtay dilkii foosha xumaa ee Cabdulkadir Yaxya, aqoonyahan ku can baxay raadinta nabadda, nasiibdarrase lagu hor toogtay xaaskiisa. Dilalkaas oo dhami waxay ka turjamayaan caqli xumada manta Soomaaliya taal oo ku dhisan ka takhalus ciddii aad is-qabtaan.

Agoosto 17,  waxay ku gashay taariikhda maalinta loo baroor diiqo aqoonyahannada iyo dadka magaca leh  ee nabadda jecel loona dilay sababo siyaasadeed. Waa lagama maarmaan inaan wada dhaleecayno dilalka siyaasadeed. Waa muhiim in la yaraahdo MAYA in dad inta barqo la dilo ciduna wax ka qaban ama aan xitaa la baarin. Waxaan si culus u canbaareyneynaa gaboodfalyada ka socda Xamar iyo meelo kale ee Soomaaliya.

Waxaa dad kooban ee ka socda gobollada Puntland ka wadaan London xaflad la yiri waxaa lagu xusayaa 8 guuradii samaynta Puntland. Ku aaddinta maalintaas 17ka Agoost waxaan u aragnaa meelka dhac. Waxaan leennahay miisaan ha la saaro xumaanta iyo samaanta mamulka Puntland iyo taariikhdiisa.

Soomaalida oo dhan waxaan ka codsanaynaa inay 17ka Agoosto u xasuustaan maalintii aqoonyahan loo dilay fikirkiisa iyo siyaasadda uu aamminsan yahay. Waxaan idinka codsanaynaa inaad dareenkiinna u cabbirtaan maalintaas siyaabo kala duwan, hal hayskeennuna waa “Maya dhaqanka is-khaarajinta siyaasadeed”..

 

Sultan Hurre Human Rights Focus (SHHRF)
www.suldanhurre.org


Send mail to webmaster@suldanhurre.org
 © Copyright SHHRF