|
Jimce, Febraayo 23, 2007
Ref: SHHRF 0075/2007
Mudane/raysalwasaare Tony
Blair
10 Downing Street
London SW1A 2AA
Ujeeddo: Walaac aan ka qabno in Britain soo
dhawayso dagaal-ooge
Warqaddani waxay tilmaamaysaa walaac aan ka qabno
in Dagaal-oogaha Soomaaliya, Cabdullahi Yusuf, lagu soo daweeyo dalkan
Britain. Hadba marka muddo la joogo ayaa dagaal-ooge Cabdullahi yimaadaa
London si uu isugu baaro ka dib markii beerka looga beddelay isbitlaalka
Cromwell sannadkii 1996..
Dagaal-ooge Cabdullahi Yusuf wuxuu ku caan baxay
nin quursada dimoqraadiyadda kuna tunta xaquuqul iinsaanka. Wuxuu kaloo ku
caan baxay nin ka takhalusa ama khaarajiya hadba ninka ay is-hayaan, meeshuu
ula dhaqmi lahaa mucaaradkiis sida xeerka qaranku qabo.
Waa ayaan darro in dagaal-ooge, sida Cabdullahi
Yusuf, uu yimaado ee iska daaweeyo dalkaan ka dibna dib ugu noqdo Soomaaliya
siduu dad kale u dilo ama u baro kiciyo. Waxay ahayd in loo diido inuu
dalkan soo galaan iska daa inay iska daaweeyaane. Waxay noqotay fajiciso in
dagaal-ooge dawaladda Britain marti geliso muddo labo maalmood (22-23
Febaraayo) ah., wakhtigaas oo uu la kulmay madax sare sida Lord Triesman,
Madaxa waaxda Africa ee Arrimaha Dibedda iyo Hilary Benn, Xoghayaha Hay'adda
Horumarinta Adduunka.
Waa wax laga xumaado in la soo dhaweeyo ninkan oo
Maxkamaddda Saree ee Ingiriiska xukun ku ridday 14kii Maarso 2005 (Case No
HQ02X03221), kaas oo khuseeyey dilkii Sultan Ahmed Mohamud Mohamed (loo
yiqiin Sultan Hurre), Soomaalia 17kii August 2002. Kiiskaas waxaa soo
qaddimay carruurta iyo afadii Sultan Hurre, oo ahaa nin qaatay dhalashada
Britain. Wuxuu doonanyey inuu ka caawimo dadkiisa dhanka horumarka ka dib
markii ay hay'adahii dawladdu ka burbureen Soomaaliya.
Sida uu qirtay dagaal oogaha sheeganaya
Madaxweynaha ee Cabdullahi Yusuf, Sultan Hurre waxaa dishay ilaaladiisa
gaarka ah. Sidoo kale, fal dambiyeedkaan oo kale waxaa lagu fuliyey Colonel
Farah Mohamed Said (Farah Dheere) 2002 iyo Abdirahman Aideed 1984. Waxa
kaliya ee dadkaasi wadaageen waxay ahayd in ay wada ahaayeen rag ay
siyaasadda isaga soo horjeedeen dagaal-ooge Cabdullahi..
Sidaan aan horey u xusnay, waxaa leennahay waa
inaysan Britain noqon meel ay isku daaweeyeen ama ay gabbaad ka dhigtaan
kuwo soo laayey dad aan waxba galabsan.
Sultan Hurre Human Rights Focus (SHHRF)
cc: Lord (David) Triesman, MP,
Foreign Office Minister for Africa
cc: Hilary Benn, MP, the International Development Secretary.
|