|
Puntland: Waa in Wax Laga bartaa Khaladaadkii hore
(SHHRF
0026/2005, 05 January 2005)
(Nuqul Soomaali)
Laga soo bilaabo xasaraddii
bilaabatay bartamihii 2001, Puntland waxaa soo wajahay mustaqbal madoow.
Nasiib darro dhibtii dhacday waxay keentay dhimasho badan iyo burbur
hantiyeed oo baaxad leh. Intaas oo dhan waa laga gudbi karay haddii
maaxweynihii hore iyo maamulkiisu dhawri lahaayeen sharciga, iyagoo ahaa
kuwo ummadda kalsooni ka haystay saddexdii sano ee hore.
Ku tumashiidii Axdiga
Puntland, ma gelin dalka wakhti cakiran iyo walaac oo keliya, ee waxaa kale
oo ay dib u sii dhigtay horumarkii la filayey in laga sameeyo u gudbid
dastuur rasmi iyo ka guurid Axdi ku meel gaar ah, sida ku qeexan qodobbada
28 (4) iyo 13.5 (vi, vii) Axdiga ku meel gaarka ah, kuwaas oo adkeynaya in
dawladdu samayso tiro koob dadka, qoridda dastuur dadweynuhu ansaxiyo. Marka
la eego Axdiga Puntland, soo jiray ilaa 2004 deegaankaas wuxuu ahaa mid
xalaasha ka fog.
Maadaama ay sharciyadda ay
tahay salka nabadgelyo waarta iyo horumar, Puntland waxay u baahan tahay
geeddi looga guuro caadadii xukun boobka ee la soo maray. Marka darsi laga
qaato taariikhda cusub ee Soomaaliya, Puntland waxaa la ogsoon yahay inay
leedahay rajo inay si miyir qabta isu maamusho. Nasiib darro waxay ahayd
inay ka fiicnaato wixii dhacay sanooyinkii la soo dhaafay.
Ballan qaadka ah in wixii
dhacay dib loo saxo Puntland dib loogu cesho fikirkii dastuur ilaalinta, waa
waddada saxda ah ee lagu xalaalyn karo maamulka ka dhisan gayigaas. Taasi
waxaa muhiim ah inay ka timaaddo deegaan ay taallo kallsooni taasoo dib u
soo noolayn karta maamul hagaagsan oo taabbogal ah. Taasi waxay dhidibadda u
sii aasin nabadda guud ee gobolka iyo deriskaba. Haddii maamulku si
hagaagsan u shaqeeyo, lana ilaalsho haykalka dawladda, lana helo kalsoonida
dadweynaha, looma baahdeen in qori dad lagu cabburiyo ama ciidammo xad dhaaf
ah la qoro. .
Ciduna maanta ma sugayso
maaamul aan qalad gelin marka la eego wixii ay soo martay Puntland, laakiin
waa muuhim in la higsado xisaabtan (accountability) iyo shafaafiyad
(transparency). Soo koob, ilaalinta sharciga waa inay heshaa mudnaanta
koowaad.
Isimmada Puntland, oo ah
wadnaha mujtamaca ku dhaqan deegaankaas, waa inay ciyaaraan doorkooda
muhiimka ah si ay u xaddidaan danaha kooxa siyaasadda oo ay muuqato inay
liishaanka ku haya danahooda wakhtiga dhow oo keliya.
Waa in wax laga bartaa wixii
ina soo maray, ummadduna go'aamisaa masiirkeeda ayadoo ka mid ah
Somaliweyn.
Sultan
Hurre Human Rights Focus
|