|
Taariikh nololeedkii Suldaan Hurre
Hashi Sagaar
hashisagaar@hotmail.com
Intiinna
dhagaysata idaacadda BBC-da, ama daalacata internetka waxaad
dareenteen inuu geeriyooday, Isim aad loogaga yaqaan dalka
gudihiisa iyo dibeddaba, gaar ahaa gobollada Putland. Suldaan
Axmed Maxamed Hurre waxaa la aamminsan yahay inuu si bareer ah u
dilay ninka sheegta inuu ka taliyo Puntland, Col. Cabdillahi
Yusuf. Suldaan Hurre wuxuu ahaa aqoon yahan fir-fircoon dhan
kasta, marnaba aan maankiisu gelin waddankaagii hooyo baad gal
dhiiga dhex oolli doontaa aragtidiisa shakhsi awgeed. Waxaan
halkaan idiinku soo gudbinaya intaa aan ka aqaannay ama ka
aruurshay taarikh nololeedka Suldaan Axmed Maxamed Hurre.

Suldaan
Hurre wuxuu ku dhashay gobolka Nugaal abbaartii 1958. Wuxuu ka
bilaabay waxbarashada dugsiga hoose magaalada Garoowe 1963
halkaas oo uu degganaa abtigiis oo maal-qabeen ahaa. Markii u
dhamastay waxbarashada dugsiga dhexe 1971, ayuu u wareegay
Muqdishu oo ka sii watay waxbarsho dugsi sare. Waxbarshada
dugsiga ee Garoowe ka sakoow, Ahmed wuxuu ahaa wiil aad u
fir-fircoon oo gacan weyn ka siin jiray abtigiis, Afweyne
Cali-dheere, maaraynta ganasiga gaar ahaan hudheel magaalada ka
caan ahaa.
Markuu
dhamaystay waxbarashidiisi Muqdishu, wuxuu Axmed muddo u
shaqeeyey wasaaradda xannanada xoolaha. Bartimihii 70aadka,
markii dadka u dhashay gobollada hadda loo yaqaan Puntland ay
dalka ka cararayeen, cadaadis siyaasadeed awgeed, ayaa Axmed
galay dalka Keenya, halkaas oo uu hore u degganaa Abtigiis kale
oo asna ku lahaa tijaaro Nairoobi, waa ninka loo yaqaan Xaaji
Nayloon. Axmed wuxuu haddana gacan weyn ka geystay wadidda
becsharada Abtigiis.
Wuxuu
Suldaanku, asagoo markaas dhallinyaro ah, dowr libaax ka
ciyaaray samayntii ururkii hubeysnaan ee SSDF markii laga
abaabulayey Nairoobi - 1978. Wuxuu Axmed u qaabilsanaa soo
aruurinta dhallinyarada ururka geliysa. Waxaa 200-300 askari ee
ciidankii bilaabay dagaalka hubaysan, ka koobnaayeen dhallin
yaro ka timid Nairoobi, oo badankooda ay saaxiibbo ahaayeen
Axmed Hurre. (Ururka waxaa madax ka noqday Cabdillaahi Yuusuf,
ninka lagu eedaynayo inuu amray dilka Suldaanka). Wuxuu kaloo
marxuumka fuliyey hawlgallo qaali ah intii halgankaasi socday
asagoo tegi jiray Addis Ababa dhammaadkii 70aadka iyo bilowgii
80aadka. Ugu damabayn markii Itoobiya lagu xiray Col. Cabdillaahi, 1985,
waxaa Axmed Hurre dowr weyn ka ciyaaray gacan siinta xaaska
Cabdullaahi oo yimid Nairoobi ayada iyo carruurteeda oo ay ka
ja-jaban tahay.
Bilowgii
80aadka wuxuu Suldaan Axmed waxbarasho u aaday dalka India.
Wuxuu caan ka noqday ardaydii Somaaliyeed ee wax ku baranaysay
halkaas, waxaana uu lahaa naynaasta Axmed Tanzania, sababta oo
ah asago oo wadan jiray baasaboorde Tanzanian ah. Wuxuu ka ahaa
xubin fir-fircoon hawaha bulshada iyo siyaasadda ee ka socday
markaas India. Wuxuu Axmed ku lug lahaa mucaaradad xoog leh ee
dhex martay ardada iyo safaaradda Somalida oo aad ugu hawlanayd
kala saar-saaridda ardada - kacaan vs. kacaan diid, gaar ahaan
markii baasaboorddihii loo diiday dhallinyardii taageersanayd
SSDF.
Waxaa
intii muddo ah Suldaan Hurre isku waday waxbarsho iyo ganacsi,
markii uu dhamaystayna shahaadada wareegga 1aad (Bachelor),
wuxuu bilaabay shahaadad wareegga 2aad ee jaamacadda nooca loo
yaqaan MBA. Wuxuu Suldaanku intii muddaha ku jiray ganacsi, ugu
dambayntii bilowgii sagaashamaadka ayuu asaga iyo xaaskiisu u
soo haajireen dalka ingriiska. Wuxuu Suldaanku sii watay
waxbarshadiisi, asagoo isla markaasna shaqaynayey. Waxaa
Suldaanka ka tagay lix carruur ah iyo xaas.
Waxaa
1998 Beesha Maxamed Cumar (ee Cumar Maxamuud) oo ku baahsan
gobolka Mudug, Nugaal iyo kilinka 5aad ee Itoobiya u dooratay
Hurre Maxamed Maxamuud SULDAAN. Caleema saarka Suldaanka oo ka
dhacay meesha loo yaqaan ABQAALE oo abbarta 50km ka xigta
wiqooyiga Gaalkacyo. Caleema saarka Suldaanka waxaa ka soo
qaybgalay dad aad u fara badan oo ka kala yimid meelo fog-fog.
Maadaama Suldaan Hurre ahaa nin ay tirsadaan reer Garoowe, waxaa
aad uga muuqday caleemo saarkiisi bulshada, salaaddiinta iyo
waxgaradka ku nool gobolka Nugaal.
Suldaan
Hurre wuxuu ahaa nin bulshay ah, haddii qof bulshay yahay. Wuxuu
ahaa nin aad u kaftan badan, oo marka meel la isugu yimaado
jecal sheekada bulshada iyo xifaalada. Aniga (qoraha) oo aqoon u
lahaa Suldaanka waxaa igu adkaatay sidaan ula dhaqmi lahaa
Suldaanka, markii iigu horreysay intii la boqray. Waxaan mar
iri, ma waxaan ku iraahdaa Axmed Hurre mise Suldaan Hurre. Allow
kuu naxariiso, wuxuu iigu jawaabay, markaan labdeenna nahay
waxaad rabtid iigu yeer, laakiin markii la inala jooga waad
taqaan magacayga, inta qosol iyo dhoollo caddayn isku daray.
Waxaan yaabay sida uu Suldaanku dhakhso ula qabsaday dhaqanka
Somaaliga asagoo intuu soo koray u badnaa qurbe. Suldaanku
markii iigu dambaysay wuxuu xirnaa macawis, shaal wuxuuna watay
matoobbo ama ul qurux badan. Waxaa hadba dhegta wax ugu sheegaya
qof aan u gartay inuu kala hadlayey arrimaha beesha oo uu
maareynayey, sida aan jawaabihiisa ka gartay.
Markii ay
cakirantay siyaasadda Putland, Suldaan Hurre wuxuu dowr muhiim
ah ka ciyaaray in la joojiyo xukun kororsigii Cabdullahi Yusuf
markii ay dhammaatay 3dii sano ee maamulkiisi. Suldaan Hurre
wuxuu ahaa nin hadal cad, ama kaftan ha ku gudbisto, ama wajiga
inta beddelo ha iska dhigo qof cusub ee aadan garanayne, wuxuu
ahaa raggii isku raacay inaan Cabdullahi maalin xukunka loogu
darin, ayadoo la ilaalinayo dastuurka. Waxaa la og yahay in
Abdullahi isku dayey inuu Suldaanka afgarto una sameeyo ballan
qaadyo farabadan, waxaa la ogyahay inuu Suldaanku noqday nin
mabda' adag, hadal adag, lagu marin habaabin karin tashwiih iyo
kutri-kuteen, waxaa la ogayahay in Cabdullahi judhii horeba ku
bilaabay dagaal boqridda Suldaanka, asagoo isku dayey inuu ka
dhinac sameeyo caaqil kale kuse fashilay markii maqrib iyo
mashriq la isaga yimid caano saarkiisi, reerkii Suldaankana ay
aad uga xanaaqeen isku dayga Cabdillahi.
Waxaa ugu
dambeyn la ogyahay inuu Suldaanka uu dilay wiil ka mid ah
ilaalada Abdllahi, asagoo gaari ka soo degaya, aanna muujin wax
colaad ah ama dhiilo ah, xitaa asagoo laga qaaday qoriga nin
ilaalo ula socday. Waxaa baas ku firay Suldaan Hurre: Gaanni
Cabdiraxmaan Hassan-nuur Islaan, oo dad badani aaminsan yihiin
inuu watay ama gaar ah waayo askartii kale ee la soctay waxaa ku
dhacay amakaag. Suldaan Hurre wuxuu ku geeriyooday meel aan ka
fogayn meeshii lagu toogtay, tuulada Kala-bayr (gobolka Nugaal),
17.08.2002, halkaas oo uu ku soo booqanayey xigtadiis. Ugu
dambayn, Cabdillaahi oo ku sugnaa Gaalkacyo iska daa inuu ka soo
qaybgalo aaskiisiye, wuxuu amray in la xannibo dadka ka soo
burqanaya gobollada Puntland, si aan aaska Suldaanku u noqon
meel soo jiidata caro ka badan tan markaas tiil Galkacyo, oo
markaas ciir-ciiraysay. Waxaana aaskiisi ka soo qaybgalay dad
kun kor u dhaafay. Waxaa aaska khudbad qiimo leh jeedshay Garaad
Maxamed Cilmi Shirwac oo sheegay in maanta la dilay Boqor qiimo
badan oo ay ka dhigan tahay gabbal dumay, waase laga sal gaari
doono sababta loo dilay.
Suldaan
Hurre wuxuu ahaa nin u dhintay waxa uu aaminsan yahay. Waxaan
oran karaa wuxuu ahaa Mujaahid, inkastoo eraygaasi ayaantaan u
dhabbe yaal noqday. Wuxuu ahaa nin mudadaan dambe ay ka muuqatay
alle ka cabdsi iyo mutadayinnimo xoog leh. Waxaa dishay gacan ka
xaqdaran, si kasta ha ahaatee aan u soo duceyno halyeygaas
Somaliyeed, oo aan qabo in dhimashadiisu ahayd khasaare qaran.
Alaaha u
naxariistee Suldaan Ahmed Maxamed Maxamud Hurre wuxuu ku dhashay
Magaalada Garoowe 1958. Magaalada Garoowe ayuu ku dhamaystay heerka waxbarshada hoose /
dhexe. Wuxuu shaahada Jaamacadeed (under graduate ka qaatay
waddanka India). Halka uu post graduate waxbarasho ku qaatay
waddanka Ingriiska. Halgankii dhismihii SSDF:
Suldaan Hurre wuxuu qeyb weyn ka qaatay ururinta, dejinta,
jicsimka dhalinyaradii iyo saraakiishii soo gashay Jabahaddii ee
soo martay East Africa.
Suldaan Hurre wuxuu gacan ka geystay sidii Documents loogu
sameyn lahaa dhalinyaradii soo gashay East Africa si ay uga
dhoofaan ama ugu gudbaan Ethiopia.
Suldaan Hurre wuxuu dhowr goor booqasho ku tegey Addis Ababa
halkaas oo uu geeyey deeq maal iyo mid taloba oo lag diray Kenya
/ East Africa.
Bur Burkii SSDF: Suldan Hurre markale wuxuu qeyb weyn ka qaatay dib u dejinta
dhalinyaradii ka soo baxday jabhadda sida gurigii caanka ahaa ee
laga kireeyey Syria ayna bixin jireen rag uu ku jiraa kirada
gurigaas asagoo degenaa East Africa iyo India dhexdooda. Madaama
ay Syria ahayd dalka qur ah ee la geli karo without Visa.
Suldan Hurre markii uu maqlay in Xabashidu xirtay C/lahi Yusuf
ayuu ka dhoofay Ugandha halkaas oo uu ugu tegey Qoyskii laga
xiray. Mar aan fadhiyey meel uu kaga sheekeeyay safarkaas waxaa
hadaladisii ka mid ahaa inta aan xasuusto: Madaama odaga loo
saarayo in badan sababihii keenay bur burka Jabhadda. Haddana
waa inaan qoyskiisu dhibaatoon maxaa yeelay waa matter of pride
innagoo dhan meel kasta oo aan kala joogno nin taageersan iyo
nin ka soo horjeeda.
Wuxuu ka mid ahaa raggii dagaalka ku qaaday Safiirkii C/lahi
Cigaal uu fadhiyey Somalia waddanka India kadib markii loo
diiday dhalinyaradii SSDF ka timid in passports la siiyo. Taasoo
sababtay dagaallo ragga qaarkiis ku gaaray dhaawacyo kala duwan.
Allaha u naxariistee Suldan Hurre wuxuu door ka ciyaaray in
Xabsiga India laga sii daayo Xussein Islan oo loo xiray
arrin la xiriirta SSDF
oo masabid ah (madaama uu lahaa magac aan qarsoonayn)
kadibna Ambassador C/lahi Cigaal uu ku bixiyey lacag in santuukh
lagu rido oo Afweny loogu geeyo Xamar.
Allaha u naxariistee Suldan Hurre wuxuu door weyn ka qaatay
dejinta, dhoofinta, ururinta in badan oo ka mid ahayd ardaydii ndia waxabarshada u tegtay. Wuxuu kaloo gacan u fidin
jiray ganacsatada timaadda India gaar ahaan Dumarka inaan
halkaas lagu dhicin tacabkooda yar.
Allaha u naxariistee Suldan Ahmed Maxamed Maxamud Hurre ayaa
qoyska uu ka dhashay u doorteen inuu noqdo Suldaankii reerkooda
taasoo ku timid baahi qoyskooda.
Suldan Hurre wuxuu ahaa nin kaftan badan, tol jecel, hadalka aan
la baqin, deeqsi ah, aqoonleh oo wax bartay. Wuxuu ahaa nin
jecel baniaadamka. Wuxuu ahaa Nabadoon Somaaliyeed.
Suldan
Hurre wuxuu ifka kaga tegey 6 caruur ah iyo hooyadood.
Ilaah
Haka waraabiyo Naxariistii Janno Suldaanka.
Hashisagaar@hotmail.com
|