Home  Our mission Contact Us | Somali Peace Rally | Free advert | Get Adobe Acrobat Viewer (free) 
About Sultan Hurre
SOMALI LINKS

(over 500 Somali links)
News/community
Online news
Culture/Literature
Religion
Radio/TV
Professional/Business
Personal pages

OTHER LINKS
Committee.to.Protect.Journalists

Benadir-Watch
I
nternational.Criminal.Court
UN Human Rights
Human.Rights.Watch
Amnesty International

Minnesota.Advocates.
      for
.Human.Rights

NOVIB Somalia
IRIN
International.Committee
           of
.the Red Cross

Somalia Refugees Report
Internationa.Crisis.Group
Kasmo Logo
 
Ururka Samafalka Jubbada Hoose
 
Issa Associates
 

 

 

 Taariikh nololeedkii Suldaan Hurre
Hashi Sagaar
hashisagaar@hotmail.com

Intiinna dhagaysata idaacadda BBC-da, ama daalacata internetka waxaad dareenteen inuu geeriyooday, Isim aad loogaga yaqaan dalka gudihiisa iyo dibeddaba, gaar ahaa gobollada Putland. Suldaan Axmed Maxamed Hurre waxaa la aamminsan yahay inuu si bareer ah u dilay ninka sheegta inuu ka taliyo Puntland, Col. Cabdillahi Yusuf. Suldaan Hurre wuxuu ahaa aqoon yahan fir-fircoon dhan kasta, marnaba aan maankiisu gelin waddankaagii hooyo baad gal dhiiga dhex oolli doontaa aragtidiisa shakhsi awgeed. Waxaan halkaan idiinku soo gudbinaya intaa aan ka aqaannay ama ka aruurshay taarikh nololeedka Suldaan Axmed Maxamed Hurre.

Suldaan Hurre wuxuu ku dhashay gobolka Nugaal abbaartii 1958. Wuxuu ka bilaabay waxbarashada dugsiga hoose magaalada Garoowe 1963 halkaas oo uu degganaa abtigiis oo maal-qabeen ahaa. Markii u dhamastay waxbarashada dugsiga dhexe 1971, ayuu u wareegay Muqdishu oo ka sii watay waxbarsho dugsi sare. Waxbarshada dugsiga ee Garoowe ka sakoow, Ahmed wuxuu ahaa wiil aad u fir-fircoon oo gacan weyn ka siin jiray abtigiis, Afweyne Cali-dheere, maaraynta ganasiga gaar ahaan hudheel magaalada ka caan ahaa.

Markuu dhamaystay waxbarashidiisi Muqdishu, wuxuu Axmed muddo u shaqeeyey wasaaradda xannanada xoolaha. Bartimihii 70aadka, markii dadka u dhashay gobollada hadda loo yaqaan Puntland ay dalka ka cararayeen, cadaadis siyaasadeed awgeed, ayaa Axmed galay dalka Keenya, halkaas oo uu hore u degganaa Abtigiis kale oo asna ku lahaa tijaaro Nairoobi, waa ninka loo yaqaan Xaaji Nayloon. Axmed wuxuu haddana gacan weyn ka geystay wadidda becsharada Abtigiis.

Wuxuu Suldaanku, asagoo markaas dhallinyaro ah, dowr libaax ka ciyaaray samayntii ururkii hubeysnaan ee SSDF markii laga abaabulayey Nairoobi - 1978. Wuxuu Axmed u qaabilsanaa soo aruurinta dhallinyarada ururka geliysa. Waxaa 200-300 askari ee ciidankii bilaabay dagaalka hubaysan, ka koobnaayeen dhallin yaro ka timid Nairoobi, oo badankooda ay saaxiibbo ahaayeen Axmed Hurre. (Ururka waxaa madax ka noqday Cabdillaahi Yuusuf, ninka lagu eedaynayo inuu amray dilka Suldaanka). Wuxuu kaloo marxuumka fuliyey hawlgallo qaali ah intii halgankaasi socday asagoo tegi jiray Addis Ababa dhammaadkii 70aadka iyo bilowgii 80aadka. Ugu damabayn markii Itoobiya lagu xiray Col. Cabdillaahi, 1985, waxaa Axmed Hurre dowr weyn ka ciyaaray gacan siinta xaaska Cabdullaahi oo yimid Nairoobi ayada iyo carruurteeda oo ay ka ja-jaban tahay.

Bilowgii 80aadka wuxuu Suldaan Axmed waxbarasho u aaday dalka India. Wuxuu caan ka noqday ardaydii Somaaliyeed ee wax ku baranaysay halkaas, waxaana uu lahaa naynaasta Axmed Tanzania, sababta oo ah asago oo wadan jiray baasaboorde Tanzanian ah. Wuxuu ka ahaa xubin fir-fircoon hawaha bulshada iyo siyaasadda ee ka socday markaas India. Wuxuu Axmed ku lug lahaa mucaaradad xoog leh ee dhex martay ardada iyo safaaradda Somalida oo aad ugu hawlanayd kala saar-saaridda ardada - kacaan vs. kacaan diid, gaar ahaan markii baasaboorddihii loo diiday dhallinyardii taageersanayd SSDF.

Waxaa intii muddo ah Suldaan Hurre isku waday waxbarsho iyo ganacsi, markii uu dhamaystayna shahaadada wareegga 1aad (Bachelor), wuxuu bilaabay shahaadad wareegga 2aad ee jaamacadda nooca loo yaqaan MBA. Wuxuu Suldaanku intii muddaha ku jiray ganacsi, ugu dambayntii bilowgii sagaashamaadka ayuu asaga iyo xaaskiisu u soo haajireen dalka ingriiska. Wuxuu Suldaanku sii watay waxbarshadiisi, asagoo isla markaasna shaqaynayey. Waxaa Suldaanka ka tagay lix carruur ah iyo xaas.

Waxaa 1998 Beesha Maxamed Cumar (ee Cumar Maxamuud) oo ku baahsan gobolka Mudug, Nugaal iyo kilinka 5aad ee Itoobiya u dooratay Hurre Maxamed Maxamuud SULDAAN. Caleema saarka Suldaanka oo ka dhacay meesha loo yaqaan ABQAALE oo abbarta 50km ka xigta wiqooyiga Gaalkacyo. Caleema saarka Suldaanka waxaa ka soo qaybgalay dad aad u fara badan oo ka kala yimid meelo fog-fog. Maadaama Suldaan Hurre ahaa nin ay tirsadaan reer Garoowe, waxaa aad uga muuqday caleemo saarkiisi bulshada, salaaddiinta iyo waxgaradka ku nool gobolka Nugaal.

Suldaan Hurre wuxuu ahaa nin bulshay ah, haddii qof bulshay yahay. Wuxuu ahaa nin aad u kaftan badan, oo marka meel la isugu yimaado jecal sheekada bulshada iyo xifaalada. Aniga (qoraha) oo aqoon u lahaa Suldaanka waxaa igu adkaatay sidaan ula dhaqmi lahaa Suldaanka, markii iigu horreysay intii la boqray. Waxaan mar iri, ma waxaan ku iraahdaa Axmed Hurre mise Suldaan Hurre. Allow kuu naxariiso, wuxuu iigu jawaabay, markaan labdeenna nahay waxaad rabtid iigu yeer, laakiin markii la inala jooga waad taqaan magacayga, inta qosol iyo dhoollo caddayn isku daray. Waxaan yaabay sida uu Suldaanku dhakhso ula qabsaday dhaqanka Somaaliga asagoo intuu soo koray u badnaa qurbe. Suldaanku markii iigu dambaysay wuxuu xirnaa macawis, shaal wuxuuna watay matoobbo ama ul qurux badan. Waxaa hadba dhegta wax ugu sheegaya qof aan u gartay inuu kala hadlayey arrimaha beesha oo uu maareynayey, sida aan jawaabihiisa ka gartay.

Markii ay cakirantay siyaasadda Putland, Suldaan Hurre wuxuu dowr muhiim ah ka ciyaaray in la joojiyo xukun kororsigii Cabdullahi Yusuf markii ay dhammaatay 3dii sano ee maamulkiisi. Suldaan Hurre wuxuu ahaa nin hadal cad, ama kaftan ha ku gudbisto, ama wajiga inta beddelo ha iska dhigo qof cusub ee aadan garanayne, wuxuu ahaa raggii isku raacay inaan Cabdullahi maalin xukunka loogu darin, ayadoo la ilaalinayo dastuurka. Waxaa la og yahay in Abdullahi isku dayey inuu Suldaanka afgarto una sameeyo ballan qaadyo farabadan, waxaa la ogyahay inuu Suldaanku noqday nin mabda' adag, hadal adag, lagu marin habaabin karin tashwiih iyo kutri-kuteen, waxaa la ogayahay in Cabdullahi judhii horeba ku bilaabay dagaal boqridda Suldaanka, asagoo isku dayey inuu ka dhinac sameeyo caaqil kale kuse fashilay markii maqrib iyo mashriq la isaga yimid caano saarkiisi, reerkii Suldaankana ay aad uga xanaaqeen isku dayga Cabdillahi.

Waxaa ugu dambeyn la ogyahay inuu Suldaanka uu dilay wiil ka mid ah ilaalada Abdllahi, asagoo gaari ka soo degaya, aanna muujin wax colaad ah ama dhiilo ah, xitaa asagoo laga qaaday qoriga nin ilaalo ula socday. Waxaa baas ku firay Suldaan Hurre: Gaanni Cabdiraxmaan Hassan-nuur Islaan, oo dad badani aaminsan yihiin inuu watay ama gaar ah waayo askartii kale ee la soctay waxaa ku dhacay amakaag. Suldaan Hurre wuxuu ku geeriyooday meel aan ka fogayn meeshii lagu toogtay, tuulada Kala-bayr (gobolka Nugaal), 17.08.2002, halkaas oo uu ku soo booqanayey xigtadiis. Ugu dambayn, Cabdillaahi oo ku sugnaa Gaalkacyo iska daa inuu ka soo qaybgalo aaskiisiye, wuxuu amray in la xannibo dadka ka soo burqanaya gobollada Puntland, si aan aaska Suldaanku u noqon meel soo jiidata caro ka badan tan markaas tiil Galkacyo, oo markaas ciir-ciiraysay. Waxaana aaskiisi ka soo qaybgalay dad kun kor u dhaafay. Waxaa aaska khudbad qiimo leh jeedshay Garaad Maxamed Cilmi Shirwac oo sheegay in maanta la dilay Boqor qiimo badan oo ay ka dhigan tahay gabbal dumay, waase laga sal gaari doono sababta loo dilay.

Suldaan Hurre wuxuu ahaa nin u dhintay waxa uu aaminsan yahay. Waxaan oran karaa wuxuu ahaa Mujaahid, inkastoo eraygaasi ayaantaan u dhabbe yaal noqday. Wuxuu ahaa nin mudadaan dambe ay ka muuqatay alle ka cabdsi iyo mutadayinnimo xoog leh. Waxaa dishay gacan ka xaqdaran, si kasta ha ahaatee aan u soo duceyno halyeygaas Somaliyeed, oo aan qabo in dhimashadiisu ahayd khasaare qaran.

Alaaha u naxariistee Suldaan Ahmed Maxamed Maxamud Hurre wuxuu ku dhashay Magaalada Garoowe 1958. Magaalada Garoowe ayuu ku dhamaystay heerka waxbarshada hoose / dhexe. Wuxuu shaahada Jaamacadeed (under graduate ka qaatay waddanka India). Halka uu post graduate waxbarasho ku qaatay waddanka Ingriiska. Halgankii dhismihii SSDF: Suldaan Hurre wuxuu qeyb weyn ka qaatay ururinta, dejinta, jicsimka dhalinyaradii iyo saraakiishii soo gashay Jabahaddii ee soo martay East Africa.

Suldaan Hurre wuxuu gacan ka geystay sidii Documents loogu sameyn lahaa dhalinyaradii soo gashay East Africa si ay uga dhoofaan ama ugu gudbaan Ethiopia.

Suldaan Hurre wuxuu dhowr goor booqasho ku tegey Addis Ababa halkaas oo uu geeyey deeq maal iyo mid taloba oo lag diray Kenya / East Africa.

Bur Burkii SSDF:
Suldan Hurre markale wuxuu qeyb weyn ka qaatay dib u dejinta dhalinyaradii ka soo baxday jabhadda sida gurigii caanka ahaa ee laga kireeyey Syria ayna bixin jireen rag uu ku jiraa kirada gurigaas asagoo degenaa East Africa iyo India dhexdooda. Madaama ay Syria ahayd dalka qur ah ee la geli karo without Visa.

Suldan Hurre markii uu maqlay in Xabashidu xirtay C/lahi Yusuf ayuu ka dhoofay Ugandha halkaas oo uu ugu tegey Qoyskii laga xiray. Mar aan fadhiyey meel uu kaga sheekeeyay safarkaas waxaa hadaladisii ka mid ahaa inta aan xasuusto: Madaama odaga loo saarayo in badan sababihii keenay bur burka Jabhadda. Haddana waa inaan qoyskiisu dhibaatoon maxaa yeelay waa matter of pride innagoo dhan meel kasta oo aan kala joogno nin taageersan iyo nin ka soo horjeeda.

Wuxuu ka mid ahaa raggii dagaalka ku qaaday Safiirkii C/lahi Cigaal uu fadhiyey Somalia waddanka India kadib markii loo diiday dhalinyaradii SSDF ka timid in passports la siiyo. Taasoo sababtay dagaallo ragga qaarkiis ku gaaray dhaawacyo kala duwan.

Allaha u naxariistee Suldan Hurre wuxuu door ka ciyaaray in Xabsiga India laga sii daayo Xussein Islan oo loo xiray
arrin la xiriirta SSDF oo masabid ah (madaama uu lahaa magac aan qarsoonayn) kadibna Ambassador C/lahi Cigaal uu ku bixiyey lacag in santuukh lagu rido oo Afweny loogu geeyo Xamar.

Allaha u naxariistee Suldan Hurre wuxuu door weyn ka qaatay dejinta, dhoofinta, ururinta in badan oo ka mid ahayd ardaydii ndia waxabarshada u tegtay. Wuxuu kaloo gacan u fidin jiray ganacsatada timaadda India gaar ahaan Dumarka inaan halkaas lagu dhicin tacabkooda yar.
Allaha u naxariistee Suldan Ahmed Maxamed Maxamud Hurre ayaa qoyska uu ka dhashay u doorteen inuu noqdo Suldaankii reerkooda taasoo ku timid baahi qoyskooda.

Suldan Hurre wuxuu ahaa nin kaftan badan, tol jecel, hadalka aan la baqin, deeqsi ah, aqoonleh oo wax bartay. Wuxuu ahaa nin jecel
baniaadamka. Wuxuu ahaa Nabadoon Somaaliyeed.

Suldan Hurre wuxuu ifka kaga tegey 6 caruur ah iyo hooyadood.

Ilaah Haka waraabiyo Naxariistii Janno Suldaanka.

Hashisagaar@hotmail.com

 
 

Send mail to webmaster@suldanhurre.org
 © Copyright SHHRF