|
SULDAAN
HURRE, WALLEE KUMA ILLOWNO
In
qaddiyadda Suldaan Hurre soo noq-noqoto waxay fajac ku noqotay malaha dadka
qaar, aniguse lama yaabbani. Runtii waxaan la yaabay sida Cabdullahi Yuusuf
oo dilka Suldaankaas (wax-garadka qaaliga ahaa) uu u ahaa eedaysana sahalka
uga dhigtay. Dagaal-oogahaas hore wuxuuse ku dadaalay siduu u aamusin lahaa
asxaabta iyo xigtada Suldaan Hurre, asagoo ka war-wareegaya inuu abbaaro
halka arrinta salkeedu ahaa oo ahayd horta in la ogaado side Suldaan Hurre
ku dhintay yaase dilay ama ka masuul ahaa toogashadiisi.
Qaddiaydda Suldaan Hurre ma aha mid dhextaal dad yar iyo hoggaamiye
aamminsan in uu dantiisa wax kasta u sameeyo (Machiavellian). Waa mid u
dhaxaysa inta aaminsan sarraynta sharciyidaa iyo in qofwalba lagula
xisaabtamo waxa uu gaystay, iyo inta aaminsan in shacigu yahahay la-jiifiyaaba
bannaan, uuna jabin karo kan
sameeyaa, ayadoon deero deero u hardiyin.
Waa
nasiib darro in maraka qaarkood la arko dad u arka dilkii Suldaan Hurre mid
ka mid ah dilalkii badnaa ee Somaliya ka dhacay. Markase la eego xaaladda
lagu dilay Suldaanka (oo ahayd dil siyaasadeed) ama nooca uu ahaa (Suldaan
aqoon yahay ah mabda�na leh) waa mid walaac galinaysa Somali kasta ee wax
aaminsan. Si kale haddii aan u iraahdo, Suldaan Hurre wuxuu ahaa geesi u
dhintay waxa uu aamisanyahay, oo ahayd inuu ka horyimid hooyada kali-talisnimada.
Mudane
Yusuf wuxuu ku doodayey inuu yahay hoggaamiyaha Puntland markii ilaaladiisa
gaarka ahi Kalabayr (Puntland) ku dileen Agoosto 17, 2002 Suldaan Axmed
Mohamed Hurre. Ma aha wax qarsoon in Cabdullahi bixiyey amarka ah in
Suldaanka la weeraro ka dib markii baaburta Cabdullahi iyo gaariga Suldaan
Hurre si lama filaan aha isaga hor yimaadeen. Waxaa hari la in
ilaalada Cabdullahi ka daba tagtay Suldaanka kadibna xabbad ku
tuujieen asagoon dagaal daaye aan far dhaqaajin.
Cabdullah iyo gawaaridiisi dib uma eegin Suldaanka ay xabbadaha
shaandhada uga dhigeen aadna xaalkiisu u liitay. Dadkii joogay Kalabayr ayaa
dhaawacii u qaaday dhanka Gaalkacyo, meel dheerse naftu lama gaarin.
Cabdullahi, oo maydkii Suldaanka ay Gaalkacyo isku mar galeen, iska daa wax
uu ka qabto dilkaase, wuxuu hor istaagay dad waday in arrinta loo galo qaab
beeleed.
Waxaa Cabdullaahi markaas ku doodayey, ninkan Puntland baa dishay
ee beel shaqo kuma leh. In kastoo Cabdullahi gadaal ka qirtay inuu kiiska
lug ku lahaa, ilaa hadda wuxuu la meeraysanayaa sheekooyin wakhti dhumis ah
ee uu
kaga cararayo masuuliyadda dhabta ah ee ay leedahay ka takhalusid
qof aad siyaaso ama mabda� isaga soo horjeeddaan.
Sida la garan karo dawladda Puntland waxay leedahay hay�ado wax
ka qabta wixii wax dila, iska daa wixii Suldaan caam ah dilee. Maxaa ilaa
hadda hay'adaha Puntland arrinkaas ka qabteen? Jawaabtu waa waxba. Sabab!
Cabdullahi ma
samayn baaris xitaa asagoo BBC ka sheegay in arrinka la baarayo waayo wuxuu
ka baqayaa in asaga naftiisa farta lagu taago adeer asagaa ii siiyey amarka.
Macne kale oo manka gala ilaa hadda looma hayo sababta nin dawlad sheegnayaa
u baari waayey Suldaan barqo la toogtay.
Labo darsi ayaa laga faa�iidaysan karaa dhacdadaan muhiimka ah.
Suldaanku wuxuu leeyahay taageerayaal ama asxaab aysan dhici karin inay iska
illaawaan ama aammusaan. Dabcan Cabdullaahi ma wada layn karo dadkaas.
Arrinkuna kama dhaxeeya qoyska Suldaanka iyo Cabdullaahi. Wuxuu ka
dhaxeeysaa dad fara badan oo wada diiddan dhaqanka ah qab-qable dagaanimada
iyo ku tumashada sharciga. Waa in caddaalad iyo dimoqoraadiyad doonaysa oo
ka soo horjeedda baadil xoog iyo xabbad wax ku raadinaya, sharcina aanba
isku dayin inuu eego.
Darsiga labaad, in ayadoo la ogyahay inta ku maqan oday
Cabdullahi iyo inta jeer uu hareer maray sharci iyo dastuur ayaa inta Somali
isugu timid Nayroobi hoggaamiye ugu dooratay, ayagoo dad badani markaas boos
been ah loo ballan qaaday. Waxay ahayd Agoosto madow oo kale, ka dib tii uu
dilay Suldaan Hurre. Nasiib darro waxay ahayd in dad badan ee ka yimid
deegaanka Cabdullahi Yusuf ay Nairoobi ka yiraahdeen, war odayga iska daaya
haddii kale waad ka shallaysayaan. Maanta ayey maraysaa, “maxay ka nuugtaa
ama ku nuugtaa, meeshii Somalid hore uga tiri. Xikmadda derisigaa 2aad waa
inaan Somali waxba ka faa’iidysan 15kii sano ee burburka ahaa ee la soo
maray “oo ceeriib baaba ka sii noqday meeshii laga bislaan lahaa. Waa nasiib
darro in hadba isku khalad lagu noq-noqdo. Hadba keligitaliye hadba Oktoober.
Suldaan Hurre waa dhintay mase noqon doono mid la illaawo. Ama
Cabdullahi ha noqdo madaxweyne ama yuusan ahaan, wuxuu ahaan doonaa dacwad
suge, ilaa inta uu nool yahay ama si caddaalad ah looga jeebayo dhibkii uu
geystay. Dadaalkeennu waa socon ilaa xaq feero ka dillaaco.
Hashi Sagaar |