|
Waxa ka dhacay Muqdisho ka wayn xasuuq
(SHHRF 0090/2007) (Somali)
08 Abril 2007
Laga soo bilaabo 1991 carriga Soomaaliya waxa hareeyey
dad xasuuq iyo ku tumasho xaquuqul iinsaan. Nasiib darro adduunku aad uma
danayn arrintaas ama waxaa lagu mashquulshanaa arrimo ka xoog badan marka
loo eego danta adduunweynaha. Malaha waxay ahayd ayaan darro in mar kasta ee
arrinta Soomaaliyo xumaato in meelo kale ee adduunka ah ay ka aloosmaan
xasarado kharaar markaasna Soomaaliya la iska ilaawo, ayadoo loogaga tagayo
Soomaalida micida dagaal oogel oo ilaa maanta daadinaya dhiigga dadkiisa.
Maanta Soomaaliya waxay maraysaa meeshii ugu xumayd
marka loo eego iska horimaad dad iyo "dawladdood". Dawladda hadda magac
ahaan u jirta ee ku tiirsan cududda Itoobiya waxay galaysaa tacaddi iyo
xasuuq ku wajahan dadka Muqdisho iyo qaar kaleba.. Dawaladdaan ay ku xoog
badan yihiin qab-qablayaashii dagaalku waxay tahay mid ku dadaasha oo kaliya
waxa ay is-leedahay waad ku fiican tahay oo ah xasuuqa shacabka. Qab-qable
Somaaliyeed oo dhan waxay faraha la soo galeen dhiig dad ay u arkeen inay ka
soo horjeedeen. Taasi ma dhammaan ka dib markii lagu wada magacaabay wasiir,
guddoomiye ama madaxweyne.
Ayaandarrrada maanta ka socota Muqdishu waa tii ka
dhici jirtay goobihii ay hore uga talin jireen qab-qablayaasha dagaalku oo
la sii bari-taaray. Madaxwyne dagaal-oogee Cabdullaahi Yusuf wuxuu barqo cad
soo laayey dad Soomaali ah ee ku sugan gobolkii uu xukumi jiray ee Puntland,
asagoo istcmaalaya saanadda iyo qoryaha Itoobiya. Asagoo helin ciqaabtii uu
mudnaa, ayay haddan dhacday inuu sii wado tabta uu ku caano maali jiray ee
ahayd ka takhalus wixii kaa soo horjeedaa. Madaafiic ku duqaynta Muqdishu
waa tab ka mid tabihii uu kula soo dhaqmay Puntland, wallee ama idin dilay
ama i raacde.
In kastoon dambiga loo sinnayn, kooxaha kacdoonka ka
wada Muqdishu waa in la xusaa inay eedda masuuliyadda xasuuqa wax ku
leeyihiin. Itoobiya oo ka jawaabaysa xabbadaha kacdoonka ayaa si waxashnimo
ah helikobtar iyo madaafiic ugu garaacday xaafado ka mid ah Muqdishu ayadoon
cidna loo aabo yeelin. Waxa ka socda Muqdishu ma aha xasuuq keliya ee waa
tir-tirid shacab.
Sultan Hurre Human Rights Focus (SHHRF) waxay ku
baaqaysaa in joogista iyo haysashada ciidamada
Itoobiya u dhammaato si dhakhso ah. Ma jirto sabab ciidamo Itoobiyaan ay u
sii joogaan Soomaaliya, ayadoo la qoondeeyo ciidama dhex-dhexaad ee ah ee ka
yimid AU iyo UN. Maadaama uusan jirin boolis qaran ee laguwada kalsoon yahay,
waa in la helaa ciidamo nabad ilaalin si nabad waarta loo gaaro. Nabad
waarta waxaa lagu gaari karaa wada hadal dhab ee ku dhisan niyad wanaag.
Shir dib-u-heshiineed ee ay dawladdu hagayso waa wakhti lumis, marka hadalka
la soo kobo. Waxaa hadda socdaa waxay leeyihiin ifa-faalihii shirkii muddada
loo fadhiyey Mbegati ee dhalay aafada hadda socota. La yaab ma leh waayo
waxaa shirkaas hagayey dagaal-oogayaal iyo dawlado dano gaar ah.
SHHRF waxay si xooggan u dhaleecaynaysaa dilka dadka
Soomaalida ahi ay kula kacayaan ciidamada Itoobiyaanka, kuwaas oo taageeraya
dawladda ku shaqaynaysa caqiga qab-qablayaasha. Waxaan caalamka ka
codsanayaa in baaris qoddo dheer lagu sameeyo arrinta ummad tir-tirtirka ee
ka dhacday Muqdishu.
Sultan Hurre Human Rights Focus (SHHRF) |