Home  Our mission Contact Us | Somali Peace Rally | Free advert | Get Adobe Acrobat Viewer (free) 
About Sultan Hurre
SOMALI LINKS

(over 500 Somali links)
News/community
Online news
Culture/Literature
Religion
Radio/TV
Professional/Business
Personal pages

OTHER LINKS
Committee.to.Protect.Journalists

Benadir-Watch
I
nternational.Criminal.Court
UN Human Rights
Human.Rights.Watch
Amnesty International

Minnesota.Advocates.
      for
.Human.Rights

NOVIB Somalia
IRIN
International.Committee
           of
.the Red Cross

Somalia Refugees Report
Internationa.Crisis.Group
Kasmo Logo
 
Ururka Samafalka Jubbada Hoose
 
Issa Associates
 

 

 

 

Rajada Puntland Haantaawilif Dheer ka Dib
(SHHRF 0027/2005, 12 January 2005)
(Nuqul Soomaali)

Waxaa amman mudan dadweynaha Puntland, kuwaasoo isticmaalay xaquuqdooda dastuuriga ah doorashooyinkii madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa ee dhacay bisha kowaad ee sannadkan 2005. Taasi waxay ahayd gabo-gabi xilli la soo maray iyo bilow mid ugub. Waxay kaloo ahayd bilow fiican markii dadka Puntland ay muujiyeen in faankooda iyo ficilkood isku meel u jeensan karaan. Dabaqadda siyaasaddu waxay muujisay, muddo lix sano iyo  bar ah, ka dib inay ka miro dhalin karaan rabitaanka shacbiga.

Hadba aqbilaadda shacbiga aqbalo maamulka waxay ku xirantahay daacadnimada maamulka, iyo sida loo xaqiiyo fikirka Puntland ku asaasantay oo ahaa in maamulku hoos ka soo unkamo. Qaabka maamul-hoos-ka-unuggu wuxuu khasbaa in maamulku uu leeyahay xisaabtan bulshada xoog ku leedahay. Haddii bulshadu raalli ka tahay qaabka maamulka waxay keenaysaa inay yaraato collaadda siyaasadeed. Taasina waxay tilmaamaysaa tubta nabadda iyo dimoqoraadiyadda.

Maadaama ay Puntland weli ku jirta waji colaad-damis, waxaa mudan in maamulka cusubi xoog saaro dib-u-dhayid dhaawacyadii bulshada soo kala gaaray. Calool isu xaarnaan sahal kuma imaan karto meel colaadi ka dhacay oo la isku tacadiyey. Sidaas daraaddeed, waxaa lagama maarmaan ah in la raadsho hab looga bugsoodo wixii dhacay si bulshadu horay uga sii tillaabsato. Tani kale waa in la helo niyad dhisan oo darsi looga qaatay khaladaadkii hore, si aysan mustaqbalka u dhicin. Waa in ciddii dambi cid kale ama ummadda ka gashay qoor keesataa.

Colaad kasta waxay ku rafataa dheelitirka qaab-deegaanka ee bulsho. Si taas looga waantoomno, waa muhiim in la helo caado ku salaysan ka hortag xididka colaadda intuusan fidin iyo sababka uu salka ku hayo. Taas waxaa ka mid ah in xoog la saaro sidii looga waantoomi lahaa ku xadgudubka xuquuqda aadamiga iyo sharcigaba.

SHHRF waxay soo dhawaynaysaa doorashadda dhawaan loo dortay Gen. Maxamuud Muuse Hirsi (Cadde) iyo Xasan Daahir Afqurac, madaxweyne iyo madaxweyne-ku-xigeenka Puntland. Inkastoo shaqo adagi hor taal labadaas masuul, waxaa muuqda rajo bilow ah. In lagu dhawaaqo in colaadda gobolka lagu dhameeyo wada hadal waa wax loo guuxo. Sidoo kale dalbidda in hantida ummadda la dhowro waa waajib hore loo gudan waayay welina muqaddas ah. Labadaas qodob (waa colaad hurin iyo qaataye-qaado) waxay ahaayeen meelaha maamulkii hore ka dheelliyey.

Ugu dambayn waxaa  SHHRF kula talinaysaa maamulka cusub inay hangool ummadda uga qabato ragga ama dumarka ku mabay hantidii ummadda, aanna lagu soo darin xubnaha muhiimka ah ee maamulka hadda la unkayo. Kuwa galay dembi dagaaleedka ayaga warkooda daa.

   

Sultan Hurre Human Rights Focus
suldanhurre@suldanhurre.org
www.suldanhurre.org


Send mail to webmaster@suldanhurre.org
 © Copyright SHHRF