|

Maxaad Ka
Sugayseen Maxkamadda Sare ee London
14kii Maarso 2005?
(GSH/0010 - London, 24/03/2005)
Waxaan hubaa in ay jawaabta su’aashaan hayaan boqollaal qof
oo Soomaaliyeed, waana kan warkii farxadda lahaa oo ay sugayeen:
Haa, waxaad sugayseen sida ay ku dhammaatay dacwadii looga
yeeray Maxkamaddaas kore ninka lagu magacaabo kornayl Cabdullaahi Yuusuf
Axmed oo hadda sheegta inuu yahay madaxweynaha Soomaaliya oo maalintaas ugu
muddaysnaa inuu soo xaadiro Maxkamadda soona hor istaago Garsoore sugayey.
Sida aad la socotaan, wuxuu ninkaasi racfaan ka qaatay xukun
ay isla Maxkamaddani hore ugu riddey 23kii Maarso 2004 kaasoo ay Maxkamaddu
uga diiddey codsigiisii ahaa in aysan Maxkamadaha Ingiriisku awood u lahayn
in ay galaan kiiskaan maadaama ay Puntland (oo uu isagu markaas ku haystey
si xaaraan ah) ka jiraan wax uu ugu yeeray “maxkamado” awood u leh in ay
galaan kiiska (akhristow adiga ayaan kuu daynnay baaritaanka in ay wax ka
jiraan sheegashadaas kornaylka oo ah in ay waqtigaas Puntland ka jirtey
maxkamad awood u leh in ay u yeerto ama la soo hor istaajiyo ninkaas iyo in
kale!).
Xukunkaas hore ka dib, 7dii bishii Luulyo 2004 ayay
Maxkamaddu mar kale amar ku siisay kornaylka inuu shakhsi ahaan soo istaago
dhegeysiga racfaankiisa. Dhegaysigaan dambe waxay maxkamaddu go’aamisay in
kiiska la dhegaysto oo uu socdo 5 (shan) maalmood hase yeeshee, markii ay
soo dhowaatay muddadii qaadista dacwada, ayuu kornaylku si lama filaan ah u
ruqseeyey (fasaxay) Qareennadii u doodayey (difaacayey).
Maxay ahaayeen
sababihii kornaylka ku kallifay inuu ka baaqdo imaanshihii Maxkamadda?:
Asbaabuhu way badnaan karaan hase yeeshee waxaannu ka soo
qaadanaynaa 2dan hoose:
1.
iyadoo 90% ay qaban lahaayeen Police/ka
Ingiriisku maadaama ay 2 xukun ku caddaatay inuu si buuxda u galay dambigii
lagu soo oogay oo ahaa inuu si ula kac ah mas’uul buuxa ka yahay dilkii
fulaynimada ahaa ee uu u gaystey marxuum Suldaan Axmed Maxamuud Maxamed oo
ka dhacay Tuulada Kala-Bayr ee Gobolka Nugaal ee Soomaaliya 17/8/2002.
2.
iyo in uu ka baqay in haddii lagu arko isagoo
hortaagan Maxkamad ayadoo lagu soo oogay dembi dil ah, in ay markaas ka
fashilmayso xukuumad ku sheegta ay xabashidu ka abaabushay Nairobi una
dhiibatey kornaylka. Lama garanayo inuu odaygu keli ahaan tashaday sidii
lagu yiqiin iyo in ay la taliyeen kuwii waligoodba bohosha ka tuuri jirey.
Si kastaba ha ahaatee, waxaa halkaa ku beenoowdey
geesinnimadii uu ku faani jirey kornaylku! Odaygu kama baqo xabbadda, dadka
ka horyimaadana “biyo kulul” ayuu indhaha uga shubaa ama wuu laayaa; hase
yeeshee wadne uma hayo inuu hor istaago Garsoore Maxkamad Ingiriis ee
London! Tani waxay la mid tahay qisadii “wallee wadaadow sararo
diir-diirkaaga iyo gallayr shimbir ku sheegiddaadu isma laha” Waxaa intaas
dheer oo aannu leennahay kornaylka: yaa ku gaarey? Marka soo socota iyo
Xukunka Ciqaabta, adigu ma imaan doontid maxkamadda ee maxkamaddu iyada ayaa
kuugu iman doonta halka aad joogtid!
Walow aannu ognahay in dad aad u badani ay la socdaan guusha
uu ku dhammaaday xukunkii, haddana waxaannu ka xunnahay in aannan wali
shaacin oo u dirin Shabakadaha Internetka, waannuna idinka raalli galinaynaa.
Sababtu waxay ahayd annagoo jeclayn in aan idiin soo dirno Xukunkii oo qoran
si aad uga bogataan akhriskiisa, hase yeeshee, maadaama uu dib uga dhacay
usbuuc ama labo ku talogalkii, ayaannu door bidnay in aannu idiin soo
hormarinno qoraalkaan gaaban wargelin ahaan intiinna aan wali maqlin
akhbaartan barakaysan.
Walaalayaal, Xukunkani wuxuu ku dhacay mid ka mid ah
dilaayaasha ugu axmaqsan dagaal oogayaasha halligay Soomaaliya waa
Cabdullaahi Yuusufe, haddana doonaya in ay u daba tiraan (baabi’iyaan)
hambada ka hartay dadkeenna iyo dalkeenna iyagoo horkacaya cadowga ugu
khatarsan oo ah Xabashida.
Guddiga Abaabulka Dacwada Kiiskii Suldaan Hurre
London,
UK
|