Maalintii Xasuusta ee Suldaan Hurre
(SHHRF
0054/2005, 17 August 2005 )
(Nuqul Soomaali)
Agoosto
17keedu 2005 waa sannad guuradii 3aad ee dilkii Suldaan Axmed Maxamed Hurre, oo
dilkiisu astaan u noqday Somalidii loo dilay sababo siyaasadeed ama waxay ay
aamminsanyihiin. Suldaanka qaaliga ah waxaa lagu dilay toogasho af-galis ah
tuulada Kala-bayr ee ku taal gobollada Puntland taariikhdu markay ahay
17.8.2003. Waxaa Col. Cabdullahi Yuusuf Maxkamadda Sare ee London u ka qirtay in
ilaaladiisu dishay suldaanka. Cabdullahi oo horay u dafiray inu wax ka ogaa
dilka Suldaanka iyo meesha lagu dilay midna.
Col.
Cabdullahi, oo hadda lagu magacaabo madaxweynaha dawlad aan caga dhigan ee lagu
soo unkay Nairoobi, wuxuu markaas sheegnayey madaweyne lagu muransayahay ee
Puntland. Inkiraaddiisa ka sokow, waxaa la xaqiijiey in Cabdullahi uu joogay
meel qaylo ka gaarto goobta suldaanka lagu dilay uuna hogaaminayey hawlgalka
lagu dilay Suldaan Hurre.
Dilalka
siyaasadeed ee noocaan ah hore ayey uga dheceen aagga Puntland iyo meelo kale ee
Somalia.
Farah Mohamed Said (Farah Dheere) oo ahaa ganacsade caan ah waxaa Garoowe ku
dilay isla ilaalada Col. Cabdulaahi.
Waxaa ayana xusid mudan dilkii
siyaasiga caanka ah ee Cabdiraxmaan Caydiid ee Dire Dawa 1985. Waxaa la aaminsan
yahay in ilaalada Cabdullahi ka takhalustay siyaasigaas oo markaas ay Cabdullahi
ahaayeen rag siyaasadda isaga soo horejeeda, iyagoo ka tirsan maamulkii Jabhadda
Badbaadada Qaranka Soomaaliyeed (ama marka la soo koobo SSDF) ee Cabdullahi
guddoomiyaha ka ahaa.
Iyadoo diiwaanka
Cabdullaahi yahay mid saas u madoow, ayaa nasiib darro Somalidii isugu tagtay
Kenya 2004kii u dooratay madaxweyne ku meel gaar ah.
SHHRF waxay
hore u oddorostay in ay Somaliya ku soo fool leedahay colaad cusub oo u dhiganta
tii 1991kii ee ay hogaaminayeen saraakiil hubaysan oo doonaysay in xoog iyo
awood dagaal ku xalliso xasarad siyaasadeed ee markaas ka aloosnayd Soomaaliya.
Waa nasiib darro ayadoo la xasuusto wixii dhacay in laga fursan waayo ku
celinteeda. Midda kale, in Col. Cabdullahi diyaarinayo dagaal uu ku qaadayo
ragga ay dhanka siyaasadda isaga soo horjeedaan ee jooga konfurta Somaliya waa
mid aan cidna ka qorsoonayn.
SHHRF waxay
dhaleeco dusha uga tuuraysaa in xabbad iyo dad layn loo isticmaalo si loo gaaro
yoolal siyaasadeed. Waxaan adduunka iyo Somalidaba xasuusinaynaa in hogaamiyaha
lagu soo magaabay Nairoobi uu hore uga takhalusi jiray ciddii ay is-qabtaan,
haddana uusan caano u kabban inuu mar kale sameeyo camalladiisi hore.
Waxaan ku
boorrinaynaa Somalida, bulshada caalamka iyo hay’adaha xaquuqul insaanka inay u
fiirsandaan ficillada kaligtalisnimada ah iyo tacaddiga Col Cabdullahi u
tafaxaydanyo.
Maya dil
siyaasadeed, maya dil aqoon yahan maya dil indheer-garad. Maya dhiig Somaliyeed
oo daata.
Sultan Hurre Human Rights Focus (SHHRF)
|