Home  Our mission Contact Us | Somali Peace Rally | Free advert | Get Adobe Acrobat Viewer (free) 
About Sultan Hurre
SOMALI LINKS

(over 500 Somali links)
News/community
Online news
Culture/Literature
Religion
Radio/TV
Professional/Business
Personal pages

OTHER LINKS
Committee.to.Protect.Journalists

Benadir-Watch
I
nternational.Criminal.Court
UN Human Rights
Human.Rights.Watch
Amnesty International

Minnesota.Advocates.
      for
.Human.Rights

NOVIB Somalia
IRIN
International.Committee
           of
.the Red Cross

Somalia Refugees Report
Internationa.Crisis.Group
Kasmo Logo
 
Ururka Samafalka Jubbada Hoose
 
Issa Associates
 

 

 

Maalintii Xasuusta ee Suldaan Hurre
(SHHRF 0060/2006, 15 August 2006)
(Nuqul Soomaali)
 

Agoosto 17keedu 2006 waa sannad guuradii 4aad ee dilkii Suldaan Axmed Maxamed “Hurre”, oo dilkiisu astaan u noqday Somalidii loo dilay sababo siyaasadeed ama waxa ay aamminsanyihiin. Suldaanka qaaliga ah waxaa lagu dilay toogasho af-galis (point blank) ah ee tuulada Kala-bayr ee ku taal gobollada Puntland taariikhdu markay ahayd 17.8.2002. Waxaa Col. Cabdullahi Yuusuf Maxkamadda Sare ee London uu ka qirtay in ay ilaaladiisu dishay Suldaanka isasgoo horay u dafiray inu wax ka ogaa dilka Suldaanka iyo meesha lagu dilay midna.

Kornayl Cabdullahi Yusuf oo hadda lagu magacaabo “madaxweynaha” dawlad aan caga dhigan ee lagu soo unkay Nairoobi, wuxuu markaas sheegnayey madaweyne lagu muransayahay ee Puntland. Inkiraaddiisa ka sokow, waxaa la xaqiijiey in Cabdullahi uu joogay meel qaylo ka gaarto goobta Suldaanka lagu dilay uuna hogaaminayey hawlgalka lagu dilay Suldaan Hurre.

Dilalka siyaasadeed ee noocaan ah hore ayey uga dhaceen aagga Puntland iyo meelo kale ee Somalia ee ay ka mid ahaayeen kornayl Faarax Maxamed Siciid (Farah Dheere) oo ahaa ganacsade caan ah waxaa Garoowe ku dilay isla ilaalada kornayl Cabdulaahi. Waxaa ayana xusid mudan dilkii siyaasiga caanka ah ee Cabdiraxmaan Caydiid ee Dire Dawa 1985. Waxaa la aaminsan yahay in ilaalada Cabdullahi ka takhalustay siyaasigaas oo markaas ay Cabdullahi ahaayeen rag siyaasadda isaga soo horejeeda, iyagoo ka tirsan maamulkii Jabhadda Badbaadada Qaranka Soomaaliyeed (ama marka la soo koobo SSDF) ee Cabdullahi guddoomiyaha ka ahaa.

Marxuum lagu magacaabi jirey Malaaq Seemow Cabdi Garuun ayaa waxaa 09 Jun, 2006 Baydhabo toogasho ku diley ilaalada gaarka ah Kornayl Cabdullaahi Yuusuf isagoo sheeganaya inuu yahay madaxweynaha Somalia, Suldaankuna (Malaaqa) ka mid ahaa hoggaan dhaqameedyadii halkaas ku marti galiyey kornaylka. Haddii haddaba sidaas loo laynayo Hoggaan Dhaqameedyada maxay filan karaan muwaadiniyiinta caadiga ahi? Ma jirto cid loo qabtay dilkii Malaaqa mana jirto baaritaan ay samaysay dawlad-ku sheegta fadhida Baydhabo dilka Malaaq Seemow. Sida la ogyahay, tani maaha markii ugu horreysey ee ay ilaalada gaarka ah (bodyguards) ee kornayl Cabdullahi Yuusuf ay toogasho ku dilaan Hoggaan Dhaqameed Soomaaliyeed oon waxba galabsan. Suldaan Axmed Maxamed Maxamuud “Axmed Hurre” ayaa sidaasoo kale waxaa toogasho ku diley ilaalada kornaylka isaguna uu la socdo, 17kii bishii Agoosto 2002, kuna dhex diley baabuurkii uu watey isagoo taagan Tuulada Kala-Bayr ee u dhaxaysa Gaalkacyo iyo Garoowe ee Puntland. Tani micneheedu maaha in kornaylku uu ka leexday dariiqii ama dhaqankii habboonaa ee looga baahnaa qofka caadiga ah (aberration), hase yeeshee waxay tahay inuu maray walina ku joogo dariiqii iyo dhaqankii uu caadada u lahaa ee dooxato-nimada fuleynimo.

Dilalkii waxshinimada ahaa ee loo geystey aqoonyahanno kale ee Soomaaliyeed sida Elman Cali Axmed ee 9kii Maarso 1996dii iyo Cabdulqadir Yaxye ee 11kii Luulyo 2005 ee labaduba ka dhacay Muqdisho ayaa ayaguna lahaa calaamadihii dilkii Suldaan Axmed Hurre. Saddexa marxuumba waxay ahaayeen shakhsiyaad fir-fircoon, nabad doon ah oo ka dhex-muuqday bulshada Soomaaliyeed maadaama ay si adag uga soo horjeedeen dagaal-ooge Cabdullahi Yuusuf iyo kuwa la midka ah. saddexduba waxaa nebcaayeen inta rabta inay qori caaraddiis wax ku xukumaan sida kornayl Cabdullahi Yuusuf, kuwaas oo jecel inay aruursadaan xaabo aan maya orarn karin, ama gacan ku dhiiglayaal ah, sida dagaal-oogayaashii ay dhowaan Xamar ka saareen kacdoonka shacabka ay hoggaaminayaan Maxkamadaha Islaamigu. Dagaal-oogeyaashaasoo u baxsaday Baydhabo oo uu ku soo dhoweeyey dhiggooda kornayl Cabdullahi Yuusuf oo ay wadaagaan mabdaha ugaarsiga inta jecel nabadda.

Iyadoo diiwaanka Cabdullaahi yahay mid saas u madoow, ayaa nasiib darro Somalidii isugu tagtay Kenya 2004kii u dooratay madaxweyne ku meel gaar ah.

SHHRF waxay hore u oddorostay in ay Somaliya ku soo fool leedahay colaad cusub oo u dhiganta tii 1991kii ee ay hogaaminayeen saraakiil hubaysan oo doonaysay in xoog iyo awood dagaal ku xalliso xasarad siyaasadeed ee markaas ka aloosnayd Soomaaliya. Waa nasiib darro ayadoo la xasuusto wixii dhacay in laga fursan waayo ku celinteeda.

Midda kale, ma aha wax lala yaabo dilalka ka dhacaya Baydhabo iyo in wixii lagu soo dhoodhoobay Nairobi ay caga-dhigan waayaan.

Waxaa ah wax lagu qoslo inuu Cabdullahi uu cambaareeyey dilkii Cabdalla Deeroow sidii isagoo ka xun dhiigga ka qubanaya dadka Soomaaliyeed (akhristow xusuuso inuusan ninkaasi cambaarayn dilkii isla Baydhabo loogu geystey Malaaq Seemow oo ahaa Suldaan iyadoo sababtauna ay ahayd in ay dileen ilaaladiisa gaarka ahi). Malaha wuxuu kornaylku illaaway afcaashiisii xasuuqa shacabka Puntland isagoo adeegsanaya hubkii ay cadowga xabashidu ugu dhiibtey inuu ku cabburiyo kuna laayo dadka Puntland. Cabdullahi Yusuf wuxuu ka yiri dilkii marxuum Cabdalla Deerow: "Ma aha wax aynu qaadan karno in dharaar la dilo ninkii inoogu qiima badan oo weliba dad Islaam sheeganaya oo xukun doona ah ay dilaan".

Waxaa is-weydiin leh, Cabdullahi Yuusuf ma Baydhabo ayuu ku ogaaday in qof Muslim ahi uusan dili karin qof kale ee Muslim ah?

SHHRF waxay dhaleeco dusha uga tuuraysaa in xabbad iyo dad layn loo isticmaalo si loo gaaro yoolal siyaasadeed.

Waxaan adduunka iyo Somalidaba xasuusinaynaa in kornaylka isu haysta inuu yahay hoggaamiye lagu soo magacaabay Nairoobi uusan ka tanaasulin inuu mu’aammarad fuleynimo ah ku laahyo nin-doorkeena ka horyimaada dhaqankiisa kelitalisnimo. Waa wax lagu qoslo marka uu kornaylku leeyahay, "waa in sharciga lala tiigsadaa ciddii dishay Deeroow, halka ay suuqooda mushaaxayaan ilaaladiisii uu u adeegsadey laynta Suldaan Axmed Maxamed Maxamuud “Hurre”, Cabduraxmaan Caydiid, Faarax Maxamed Siciid (Farah Dheere) iyo Malaaq Seemow Cabdi Garuun. Waa nasiib darro kale ee Somali ku habsatay haddii ay maanta Cabdullahi caddaalad uga fadhiyaan.

Waxaannu ku boorrinaynaa Somalida, bulshada caalamka iyo hay’adaha xaquuqul insaanku inay u fiirsadaan ficillada gurracan ee qaatilnimada, kali-talisnimada iyo tacaddiga ay kornayl Cabdullahi Yuusuf iyo xulafadiisu ay u gaystaan bulshada Somaliyeed iyagoo u adeegaya cadowga Ethiopia .

Maya dil hoggaan dhaqameed.
Maya dil siyaasadeed.
Maya dil aqoon yahan iyo indheer-gara.
Maya dil. Maya dhiig Somaliyeed oo daata.
Sultan Hurre Human Rights Focus (SHHRF)


Send mail to webmaster@suldanhurre.org
 © Copyright SHHRF