Agoosto 17, 2004 waa sannad guuradii 2aad ee dilkii foosha xumaa
ee Suldaankii qaaliga ahaa Axmed M.Hurre lagu dilay Puntland. Sida
uu maxkamadda Sare ee London uu ka qirtay Col. Abdullahi Yusuf,
Suldan Hurre waxaa dilay ilaaladda gaarka ah ee Kornaylka. Isagoon
huur-iska-saarin, ayaa dilkaas biru-ma-goysada ah ee Suldaanka
Cabdullahi ka daawanayey meel aan ka fogayn. Dilalka noocaas ah
waxay la mid yihiin kuwii loo gaystay Col. Faarax Maxamed Saciid -
Faarax-dheere - (2002) iyo Cabdirahman Caydiid (1984). Waxaa
marxuumiintaas ka dhexeeye oo keliya waa inay ahaayeen rag kaga hor
yimid Cabdullahi xagga siyaasadda oo keliya. Ku tacaddiga xuquuqul
iinsaanka iyo caqliga ah “maan dilo ciddii iga hortimaadda intaan la
xaajaysan lahaa", waxay noqotay astaanta becsharada ee Kornaylka.
Intii Col. Cabdullahi xukunka Puntland ku qabsaday qoriga
caaraddiisa 21kii November 2001, asagoo xasuuqay shacbi fara badan,
Puntland waxay ku nooshahay baqdin iyo cabburis joogto ah. Tusaale,
ciduna si rasmi ah uma diido karto waxa kornaylku rabo. Waxaa la
yaab leh, in dhaqankaasi Kornaylku ku dhiirri geliyey inuu
hunguriyeeyo noqosho madax qaran, sida madaxweyne. Shirka Keenya ka
socda ee IGAD hogaaminayso ayaa Cabdullahi ka sugayaa inay Somali u
khatifto oo si uu u ugaarsado wixii ka horyimaada mustaqbalka dhow
mar haddii kursi lagu fariisiyo. IGAD iyo beesha caalamka waxaa la
gudboon inay hangool ku qabtaan Cabdullahi iyo wxii la mid ah.
Dambiilayaal waa inaan loo dooran mansab qaran ee sare, dawladda
laga unkayo Mbagati, si aysan u helin xisaanad ay ku fakadaan.
Inkastoo ay jiraan dhowr qab-qable oo dembiyo xaquuqul-insaan ah
ka galay shacabka Somaliyeed, Cabdullahi waa kan keliya ee si rasmi
u hor-istaagay gobollo ka badbaaday dagaalkii sokeeye (Puntland)
inay samaystaan nidaam dastuuri ah ee ku dhisan sharciyad iyo
horumar. Cabdullahi ma aha nin Somali uga baahan tahay tijaabo cusub
– waa nin diiwaankiisu madoowyahay, ama dhiig sokeeye ka tifqayo.
Asbuucyo ka hor ayuu mar kale cusboonaystay xukunkiisa hore u
dhammaaday wakhtigiisii. Taasi waxay ka markhaati kacaysaa nidaamka
diktaatornimada ku dhisan ee looga yaqaan Puntland, “madax-ka-nool”.
Macnaha aniga keliya ayaa dhulka ka taliya, haddaan maqnahayna waa
maqan yahay maamulku. Puntland waxay ahayd meel nabadeed intaan
Cabdullahi khiyaamin ummadda oo uusan isaga soo dhigin hoggaamiye.
Lagu khaldan lagana shalaay,waa tan maanta Somali weyn looga digayo.
17 Agoosto waxay noqotay maalin gashay taariikhda Somalida – waa
maalintii Somaalida nabaddda jecli u baroordiiqdo geesiyadeeda u
dhintay waxa ay aaaminsanyihiin. Waa maalintii uu naf waayey geesi
Isim ah, aqoonyahan ah, geesi doonaya isbeddel inuu ka sameeyo
dhulkiisi hooyo, ugu dambayna lagu dilay xabbad afka loo saaray
jirkiisa, taasoo uu ka dambeeyey ninka hadda sheeganayo inuu madaxa
ka yahay Puntland. Waxaa nasiib darro ah inaan xitaa la isku deyin
in baaris lagu sameeyo ciddii dishay Suldaanka, iskaba daa in la
xiro gacan ku dhiiglihii dilka Suldaanka geystay oo ummaddu wada
taqaan.
Waxaan Somalida ugu wada yeeraynaa inay si fiican u xusaan 17ka
Agoosto, loona arko maalintii xusidda geesiyadii u dhinteen
fikirkooda siyaasadeed. Waxaa idinka codsanaynaa inaad ku muujisaan
afcaal kala geddisan sida aad uga xuntihiin xukun-xabbad-ku-raadis.
Ballanteennu waa MAYA "dhaqanka mucaarad laynta".
Sultan Hurre Human Rights Focus (SHHRF)