|
Guluf
Colaadeed Laguma Khayro:
In Xasaradda Soomaalida ka Dhextaagan Colaad Lagu Dhamaystiraa waa Riyo
(SHHRF 0052/2005, 09 July 2005)
(Nuqul Somali)
Waxaan aad uga walaacsannahay xisadda
colaadeed ee ka dhex aloosan Golayaasha Dawladda Federaaliga ah iyo
madaxdeeda sar-sare. Ilaa intii la sameeyey Dawladda Federaaliga ah
sannadkii la soo dhaafay ee 2004, labo arrimood baa ugu weynaa waxa caqabad
ku noqday hawlgalkeedi: (i) Keenista ciidammo nabad ilaalin dalka
Soomaaliya, iyo (ii) Helid xarun ku meel gaar ah inta caasimadda dalka laga
sifayno maleeshiyooyinka iyo dadka hubaysan een aa cidna ka amar qaadan.
Arrimahaasi waxay qaybiyeen dawladda, baarlamaanka iyo madaxtooyada oo labo
iyo ka badanba u sii kala jajabay. Waxaan soo ifbaxay qaybasan qabiil iyo
arrimo fool xun ee aan ka wada dharagsannahay.
Waxaa ah
wax laga xumaado in labad dhinacba ay saxaafaddu u isticmaalaan si fool xun
ayagoo awrkooda ku kacsanaya. Maanta Soomaaliya kama soo kaban karto dagaal
sokeeye iyo colaad mar kale geyigeeda laga huriyo.
Waxaan
labada dhinacba u soo jeedinaynaa:
 |
In khilaafaadka Soomaalida u dhaxeeya
lagu dhammeeyo qaab nabadeed |
 |
In bulsho weynta Soomaaliyeed kalsooni
laga raadsado maadaama in koobani soo sameeyeen labada gole ee dawladda,
taasina ay keeni karto kalsooni xumo.
c.
Muqdishu waa in laga sifeeya maleeshiyooyinka
intaan dhib loogu soo guurin een laga hawlgelin. Inta ka horreysana waa in
la helaa meel macquul ee dawladu ku sii shaqayn karto. |
 |
Marka la eego Axdiga
Dawladda Federaaliga, dib-u heshiisiintu waa inay lahaataa mudnaanta
koowaad, maadaama wax kastaa ay ayada ku salaysnaayeen. Tusaaale, dib u
heshiisiini waxay keeni kartaa is-aammin, isu tanasulkuna waa
tiir-dhexaadka xalka sidii hubka looga dhigi lahaa maleeshiyooyinka
hubaysan. |
 |
In la helo ciidamo
shisheeyee ee dhex-dhexaad ah nabaddana-ilaasha waa sharuudda muhiim u ah
in nabadda la unko. Maadaama aysan jirin ciidan qaran, waa caddahay inaan
laga maarmi harin ciidan naabd-ilaaliya si ay u noqoto mid waarta.
|
Xarunta
Sultan Hurre Human Rights Focus (SHHRF) waxay kooxaha dawladda ka tirsan ee
is-haya ugu yeeraysaa inay wadaan wada hadalka iyadoo la raacayo qaabka
xallinta khilaafaadka ee ku tilmaaman Axdiga Federaaliga ah ee Soomaaliya.
Sultan
Hurre Human Rights Focus (SHHRF) |