Home  Our mission Contact Us | Somali Peace Rally | Free advert | Get Adobe Acrobat Viewer (free) 
About Sultan Hurre
SOMALI LINKS

(over 500 Somali links)
News/community
Online news
Culture/Literature
Religion
Radio/TV
Professional/Business
Personal pages

OTHER LINKS
Committee.to.Protect.Journalists

Benadir-Watch
I
nternational.Criminal.Court
UN Human Rights
Human.Rights.Watch
Amnesty International

Minnesota.Advocates.
      for
.Human.Rights

NOVIB Somalia
IRIN
International.Committee
           of
.the Red Cross

Somalia Refugees Report
Internationa.Crisis.Group
Kasmo Logo
 
Ururka Samafalka Jubbada Hoose
 
Issa Associates
 

 

 

Dugsiga Maxamuud Axmed Cali
mise
Qabuuraha Maxamuud Axmed Cali?
Mohamed Sheekh Hersi
04/10/04

Murtida Soomaalida waxaa ka mid ah:
1. Waayeel waayo? Waa innagoon is yeel-yeelayn
2. An wax qalanno mindiyahana qarsanno
3. Beentaada hore runtaada dambay u daran tahay, iyo
4. Kuwo badan oo kale oo dhammaantood cabbiraya marka laga leexanayo dariiqa saxa ah ee ay hawli ku habboonaan lahayd.

Waxaa run biyo kama dhibcaan ah, in aysan Soomaaliya dib ugu dhismi doonin, qarankeediina ku soo noqonayn riyo, khiyaali iyo boogo laga dhayayo xaadda kore kaliya.

Sidoo kale kuma dhismayso car, wir, anigaa iri, anigaa weyn, anigaa mudan, anigaa badan, anigaa xoog leh, anigaa xoraystay, anigaa haysanaya, anigaa goosanaya, aniga, aniga, annaga, annaga, iwm.

Sidoo kale, Soomaaliya kuma dhismayso been, munaafaqnimo, af, uur iyo ficil is khilaafsan iyo “an roornoo jabinno”: tani waxay la mid tahay qisadii 3dii nin oo midkood ahaa indhoole, midna curyaan, midna qaawanaa hase yeeshee 3duba ahaa beenaaleyaal sidaasna ku ahaa saaxiibbo.

Maalin ayaa iyagoo meel wada fadhiya oo gaajaysan ayaa midkood wuxuu kuwii kale u sheegay inuu arko biciid (neef ugaar ah) oo taagan meel u dhow, hase yeeshee been ah. kuwii kale waxay iyaguna u cammireen beentii:

bulletkii indhaha la’aa ayaa ka daba hadlay oo yiri “arkaayoo giiran” (waan arkaa oo midabkiisu waa cawl);
bulletkii curyaanka ahaa ayaa ku xigsadey oo yiri: “an roornoo jabinno”;
 kii qaawanaa ayaa ugu dambayn isna yiri: “armaa layna furtaa”

Haddii ay daacad inaga tahay dib u soo noolaynta Soomaaliya waa in aynnu la imaanno geesinnimo iyo daacadnimo (geesinnimadu maaha tii wax dilidda!).

Waa in aynnu boogaha dhaawacmay hoos ka dawaynno oo ee aynnaan dusha kaliya ka dhayin ama ka daboolin.

Dhaawacyaddu waxay ku yaalliin quluubta badi dadkeenna waana in halkaas laga bilaabo dawaynta.

Dhowr qodob oo an dawo bilow ah ka dhigi lahaa waxaa ka mid ah:

  1. in ay dad badan oo Soomaali ahi la yimaadaan geesinnimo ah “qirasho dunuubtii ay ka galeen dad kale nooc kasta ha ahaadeen dunuubtaasiye: dil, dhac, kufsi iyo wixii la mid ah (sida aynnu wada ognahay, waxaa xadgudubyadaas ka qaybgalay dad kumaankun gaaraya oo qaar ka mid ahi ay dhinteen, sidaas darteedna way adagtahay in aynu shakhsi kasta ka filanno dembi qirasho iyo raalli galin, hase yeeshee, way fiicnaan lahayd in ay raalli galintu ku timaaddo magac urur, koox, kuwo waqtiyaashaas mas’uuliin ka ahaa xukuumado ama ururro oo maanta nool, magac gobo lama xitaa magac qabiil iwm)
  2. in ay haddana dadkaasi raalli galin iyo cafis waydiistaan haddiiba ay garanayaan dadkii ay u gaysteen xadgudubka iyo Somali weyn intaba
  3. in ay dadka haysta hanti uu dad kale leeyahay ay dib ugu celiyaan dadkii lahaa sida ugu dhaqsaha badan iyagoon sugin in xoog ama sharci looga qaado (marka aan sidaas leeyahay, waan ogahay anaaninnimada aadanaha iyo in ay taasi adagtahay, hase yeeshee way dhici kartaa in ay dadka qaarkiis ku soo degto raxmadi oo ay markaas iska celiyaan waxa aysan lahayn oo waxaa muhiim ah in ay cidi bilowdo)
  4. in iyadoo la kaashanayo caqliga suubban iyo caqiidada Diinta Islaamka oo uu Allaah inagu mannaystay aynnu tirtirno dhaqan xumada an aasaaska lahayn oo ah in aynnu dadkeenna qaarkiis yasno, ka faanno, u faanno, dhacno, xaqdino iwm, taasoo loo baahan yahay in aynnu nacaladno oo karahno taasna aynnu ka dhigno qodobbada aasaaska u ah dhismaha Soomaaliyada cusub.
  5.  in meelihii dalka Soomaaliya oo ay ka dhaceen kuwii ugu darnaa dilka iyo burburintu ay noqdaan meelo loo sameeyo xayndaab oo aan marna la dhisin si ay taariikh ugu noqoto jiilasha inaga dambeeyaa si ay uga digtoonaadaan wixii inagu dhacay.
  6. meelahaasi waa in ay ka mid noqdaan goobaha khaaska ah oo ama uu ka dhacay xasuuq dad badan oo aan dagaal ku jirin markii la laynayey, ama goobaha danta guud, gaar ahaan dhismayaashii Dawladdii Soomaaliya kuwii ugu sii muhiimsanaa.

Goobaha lagu xasuuqay dadka aan dagaallamayn

Meelo badan oo ka mid ah Soomaaliya ayaa lagu laayey dad Soomaaliyeed.

Meelahaas waxaa laysku raacsan yahay in ay u badan yihiin Muqdishu iyo Hargaysa oo kala ahaa magaalo madaxdii 1aad iyo tii 2aad ee Jamhuuriyaddii Soomaaliya walow ay jiraan goobo kale oo lagu laayey dad rayid ah.

Dilalka rayidka oo u dhacay sida arxan darrada ah waxaan ka dhigi lahaa labo xilli oo kala ah:

bulletwaqtigii xukunkii kali taliska ee askarta ee 1969-1990, iyo
bulletxilligii ay nagu tumatay lo’ gisidu oo laga soo bilaabo 1991 ilaa maanta

Goobaha loogu xusuusto sida naxdinta badan marxaladdii taliskii ina Siyaad Barre waxaa ka mid ah:

bulletdadkii lagu xasuuqay xeebta Jasiira ee Muqdishu una badnaa dad ka soo jeeda Soomaalida Gobollada Waqoobi Galbeed
bulletgoobta loo yaqaan “Skoola Boliisiya (Police Academy)” oo iyadu ahayd kawaanka caadiga ah ee dad aan waxba galabsan
bulletdadkii lagu xasuuqay tuulooyin ka tirsan Gobollada Mudug iyo Nugaal, gaar ahaan tuulooyinka Jalam, Roox, iyo Abaarey.
bulletdad aad u tiro badan oo lagu xasuuqay Hargaysa oo noqotay meesha uu rejiimkaasi u adeegsadey inuu ku duqeeyo diyaarado
bulletardaydii lagu xasuuqay Burco iyagoo samaynaya mudaharaad caadi ah

Goobaha ayaguna lagu xasuuqay dadka marxaladdii qolada aan u bixiyey “LO’ GISIDA” oo ah Caydiid, Cali Mahdi, Cabdullaahi Yuusuf, Jees, Moorgan iyo wixii la mid ah:

bulletGoobo badan oo ka mid ah Muqdishu haba ugu darnaadeen waqtigii ay USC Xamar ka saaraysey kali taliye Maxamed Siyaad Barre iyo waqtigii ay isla USC hoos isugu noqotay oo u kala baxday koox raacsan janan Caydiid iyo Cali Mahdi, waqtiyaashaas oo shacab badan laysugu keenay goobo loo bixiyey “barta ama baraha kawaanka dadka ” oo dadka loogu layn jirey koox koox
bulletMismaanyo oo uu Axmed Cumar Jees si axmaqnimo ah ugu gumaaday odayaal iyo aqoonyahan badan hal habeen ka dib markii laga soo raafay guryahoodii
bulletBaydhabo
bulletGaalkacyo
bulletLuuq & Buulo Xaawo

Goobta isku fuuqsatay dhammaan goobahaas kore ama ugu xanuunka badnayd waxay ahayd xasuuqii ka dhacay Dugsiga Sare ee lagu magacaabo MAXAMUUD AXMED CALI kuna yaal Degmada Kaaraan ee Muqdishu, agagaarka Isgoyska Sanca .

Goobtaas waxaa isku saacad lagu xasuuqay rag tiradooda lagu sheegay 86 (sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ahaa ama ehelkii marxuumiinta). Raggaas waxaa Dugsiga dhexdiisa ku haystey koox dabley ah halkaasna ku gumaaday dhammaantood.

Xasuuqaas bahalnimada ahi wuxuu dhacay galab Khamiis ah taariikhduna ahayd 10kii bishii Febraayo 1991, markay saacaddu ahayd qiyaastii 4tii galabnimo.

Falkaas waxashnimada ah waxaa gaystay mooryaan ka amar qaadanayse nimankii samaystay summaddii USC oo ay hoggaaminayeen janan Caydiid iyo Cali Mahdi.

Haddaba, talooyinka aan soo jeedinayo waxaa ka mid ah:

In ugu yaraan dhowr ka mid ah goobahaasi ay noqdaan meelo la xiro ama la xayndaabo ka dibna noqda meelo taariikhi ah oo calaamad u noqda halaaggii ay soo martay Soomaaliya, saa sarteedna ka cibrad qaadasho, khibrad, ka hortag belaayo la mid ah wixii dhacay intaba ay u noqoto jiilasha dambe iyo taariikh qoreyaasha Soomaaliyeed, kuwa shisheeye iyo gaar ahaan ardayda Soomaaliyeed.

Goobahaas aan soo taxay maaha in ay ku idil yihiin meelaha lagu gumaaday dad Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan, hase yeeshee waxaan u soo qaatay tusaale ahaan, waxaanna aad u jeclaan lahaa in la sameeyo baaritaan oo ciddii haysa macluumaad kuwaas la mid ahi ay ku soo bandhigto Shabakadaha Internetka Soomaaliyeed si ay uga faa’iidaystaan dadka kaydiya taariikhda iyo da’yarteenna oo badi xiiso u qaba in ay ogaadaan wixii dhacay, gaar ahaan kuwa ku nool dibedaha oo ilaa 25 jirradoodu aysan si fiican u ogayn wixii ka soo eryey dalkoodii.

Haddaba, goobaha aan ku talinayo in la xayndaabo ama laga xiro isticmaalka dadwaynaha waxaa ka mid ah:

1. Gabi ahaan Dugsiga Maxamuud Axmed Cali (waa in magaca Dugsigaan loo baddalo QABUURAHA MAXAMUUD AXMED CALI gabi ahaanna lagu wareejiyo darbi ama silig iwm)
2. Xeebta Jasiira halkii lagu xasuuqay ragga
3. goobaha lagu laayey dad badan oo rayid ah ee ay ka mid yihiin: Hargaysa (waxaa bilow lagu daydo ah diyaaradda dagaalka oo laga dhigay taallo xusuus ah Hargaysa); Kismaanyo; Burco, Mudug, Nugaal, Baydhabo, Luuq, Buulo Xaawo, iyo meelaha kale oo la ogaado in ay ka dhaceen xasuuq
4. dhammaan goobahaas waa in lagu qoro magacyadii dadkii lagu xasuuqay iyo wixii kale oo lagu calaamadayn lahaa sida: noocyadii hub oo loo adeegsadey, waqtigii la gumaaday iyo ciddii lahayd mas’uuliyadda sida: rejiimkii Siyaad Barre, USC iwm.

Rajo rajo yar ayaan ka qabaa in layga qaato talooyinka kore, Soomaalidana hore loogama baran dad qaata aaraa’da nasteexada ah ee danta guud, hase yeeshee rajo yaridu waxay dhaantaa rajo la’aanta, waxaanna hubaa, haddii dhegaha laga furaysto talooyinka lama huraanka ah in hawlaha socda ee loogu magac daray nabadaynta iyo dib u dhiska Soomaaliya ay yihiin:

bulletXoog Doofaar Lagu Cayriyey,
bulletHal Bacaad Lagu Lisay iyo
bulletWeel Hoos Ka Daloola Oo Wax Lagu Shubayo

Waxaan ku soo xirayaa tixdan jacburka ah:

Dadkaan la hadlayaa ina odoow diirrimaad ma lehe
Anaa daalayee show qalbigu dhagax dixeed weeye
Anigaaba daaliye dheguu uma daloolaane

Waxaan duxi ka raacayn ayaa loo degdegayaaye
Waxay diintu faribaan cidiba hoos u dayahayne
Wixii daran ogooweey waxbaa kaaga sii darane
Inkastoon dagaal iyo halaag daayac soo aragnay
Inkastuu dalkii meel kastaba dhiiggayagu daatay
Dibindaabyo gebigiis dalkii meelna lama deyne
Dukun-daakun bay naga dhigeen duumo wada laysay
Waxaan uga dan leeyahayna waa dawladnimo beena
Soomaaliday u daran tahay haddaan lays dafirahayne
Cadowgay dantiis tahay qofkii daacadaa garane
Dugsi lagama helo aqal hadduu wada daloolaaye
Dantiis mooge wuu ka hor delfaa calallo duugoobey
Darbi jiif horteed waxad ahayd niman dadaalayne
Dulli adan is badin kuguma dhaco daa’in abidkaaye
Waxay daba socdaan waa waxaan duxi ka raacayne
Dagaal-ooge digifkaa ka daran waqay dufoobaane (dabo dhilifka)
Kuwa dagaal ku naaxaa iyana nooga sii darane
War ka daaya waxad doorateen wayna dilayaane
Dagaal ooge waa wixi dorraad daqarkan noo gaystey
Waa waxan duqow iyo ciyaal dumarna dhaafaynin
Waa wixi dhammaan aqalladii saqafka diiraayey
Waa waxa cadaawuhu dirsado sida u doonaaba
War ka daaya waxad doorateen wayna dilayaane
Waa waxan dariiqii alliyo diinta garanayne
Waa waxa duqowdii dalkiyo dhaqanki doorsheene
Waa waxan daryeelayn agoon ama diciifkiiye
War ka daaya waxad doorateen wayna dilayaane
Dagaal ooge waa cadow ka daran damal cadaabeede
War ka daaya waxad doorateen wayna dilayaane


Send mail to webmaster@suldanhurre.org
 © Copyright SHHRF