|
Dugsiga Maxamuud Axmed Cali
mise
Qabuuraha Maxamuud Axmed Cali?
Mohamed Sheekh Hersi
04/10/04
Murtida Soomaalida waxaa ka mid ah:
1. Waayeel waayo? Waa innagoon is yeel-yeelayn
2. An wax qalanno mindiyahana qarsanno
3. Beentaada hore runtaada dambay u daran tahay, iyo
4. Kuwo badan oo kale oo dhammaantood cabbiraya marka laga leexanayo
dariiqa saxa ah ee ay hawli ku habboonaan lahayd.
Waxaa run biyo kama dhibcaan ah, in aysan Soomaaliya dib ugu dhismi
doonin, qarankeediina ku soo noqonayn riyo, khiyaali iyo boogo laga
dhayayo xaadda kore kaliya.
Sidoo kale kuma dhismayso car, wir, anigaa iri, anigaa weyn, anigaa
mudan, anigaa badan, anigaa xoog leh, anigaa xoraystay, anigaa haysanaya,
anigaa goosanaya, aniga, aniga, annaga, annaga, iwm.
Sidoo kale, Soomaaliya kuma dhismayso been, munaafaqnimo, af, uur iyo
ficil is khilaafsan iyo “an roornoo jabinno”: tani waxay la mid tahay
qisadii 3dii nin oo midkood ahaa indhoole, midna curyaan, midna qaawanaa
hase yeeshee 3duba ahaa beenaaleyaal sidaasna ku ahaa saaxiibbo.
Maalin ayaa iyagoo meel wada fadhiya oo gaajaysan ayaa
midkood wuxuu kuwii kale u sheegay inuu arko biciid (neef ugaar ah) oo
taagan meel u dhow, hase yeeshee been ah. kuwii kale waxay iyaguna u
cammireen beentii:
 | kii indhaha la’aa ayaa ka daba hadlay oo yiri
“arkaayoo giiran” (waan arkaa oo midabkiisu waa cawl); |
 | kii curyaanka ahaa ayaa ku xigsadey oo yiri: “an
roornoo jabinno”;
kii qaawanaa ayaa ugu dambayn isna yiri: “armaa layna furtaa”
|
Haddii ay daacad inaga tahay dib u soo noolaynta
Soomaaliya waa in aynnu la imaanno geesinnimo iyo daacadnimo (geesinnimadu
maaha tii wax dilidda!).
Waa in aynnu boogaha dhaawacmay hoos ka dawaynno oo ee aynnaan dusha
kaliya ka dhayin ama ka daboolin.
Dhaawacyaddu waxay ku yaalliin quluubta badi dadkeenna
waana in halkaas laga bilaabo dawaynta.
Dhowr qodob oo an dawo bilow ah ka dhigi lahaa waxaa
ka mid ah:
- in ay dad badan oo Soomaali ahi la yimaadaan
geesinnimo ah “qirasho dunuubtii ay ka galeen dad kale nooc kasta ha
ahaadeen dunuubtaasiye: dil, dhac, kufsi iyo wixii la mid ah (sida
aynnu wada ognahay, waxaa xadgudubyadaas ka qaybgalay dad kumaankun
gaaraya oo qaar ka mid ahi ay dhinteen, sidaas darteedna way adagtahay
in aynu shakhsi kasta ka filanno dembi qirasho iyo raalli galin, hase
yeeshee, way fiicnaan lahayd in ay raalli galintu ku timaaddo magac
urur, koox, kuwo waqtiyaashaas mas’uuliin ka ahaa xukuumado ama ururro
oo maanta nool, magac gobo lama xitaa magac qabiil iwm)
- in ay haddana dadkaasi raalli galin iyo cafis
waydiistaan haddiiba ay garanayaan dadkii ay u gaysteen xadgudubka iyo
Somali weyn intaba
- in ay dadka haysta hanti uu dad kale leeyahay ay
dib ugu celiyaan dadkii lahaa sida ugu dhaqsaha badan iyagoon sugin in
xoog ama sharci looga qaado (marka aan sidaas leeyahay, waan ogahay
anaaninnimada aadanaha iyo in ay taasi adagtahay, hase yeeshee way
dhici kartaa in ay dadka qaarkiis ku soo degto raxmadi oo ay markaas
iska celiyaan waxa aysan lahayn oo waxaa muhiim ah in ay cidi bilowdo)
- in iyadoo la kaashanayo caqliga suubban iyo
caqiidada Diinta Islaamka oo uu Allaah inagu mannaystay aynnu tirtirno
dhaqan xumada an aasaaska lahayn oo ah in aynnu dadkeenna qaarkiis
yasno, ka faanno, u faanno, dhacno, xaqdino iwm, taasoo loo baahan
yahay in aynnu nacaladno oo karahno taasna aynnu ka dhigno qodobbada
aasaaska u ah dhismaha Soomaaliyada cusub.
- in meelihii dalka Soomaaliya oo ay ka dhaceen
kuwii ugu darnaa dilka iyo burburintu ay noqdaan meelo loo sameeyo
xayndaab oo aan marna la dhisin si ay taariikh ugu noqoto jiilasha
inaga dambeeyaa si ay uga digtoonaadaan wixii inagu dhacay.
- meelahaasi waa in ay ka mid noqdaan goobaha khaaska
ah oo ama uu ka dhacay xasuuq dad badan oo aan dagaal ku jirin markii
la laynayey, ama goobaha danta guud, gaar ahaan dhismayaashii
Dawladdii Soomaaliya kuwii ugu sii muhiimsanaa.
Goobaha lagu xasuuqay dadka aan dagaallamayn
Meelo badan oo ka mid ah Soomaaliya ayaa lagu laayey
dad Soomaaliyeed.
Meelahaas waxaa laysku raacsan yahay in ay u badan
yihiin Muqdishu iyo Hargaysa oo kala ahaa magaalo madaxdii 1aad iyo tii
2aad ee Jamhuuriyaddii Soomaaliya walow ay jiraan goobo kale oo lagu
laayey dad rayid ah.
Dilalka rayidka oo u dhacay sida arxan darrada ah
waxaan ka dhigi lahaa labo xilli oo kala ah:
 | waqtigii xukunkii kali taliska ee askarta ee
1969-1990, iyo |
 | xilligii ay nagu tumatay lo’ gisidu oo laga soo
bilaabo 1991 ilaa maanta |
Goobaha loogu xusuusto sida naxdinta badan marxaladdii
taliskii ina Siyaad Barre waxaa ka mid ah:
 | dadkii lagu xasuuqay xeebta Jasiira ee Muqdishu una
badnaa dad ka soo jeeda Soomaalida Gobollada Waqoobi Galbeed
|
 | goobta loo yaqaan “Skoola Boliisiya (Police
Academy)” oo iyadu ahayd kawaanka caadiga ah ee dad aan waxba galabsan
|
 | dadkii lagu xasuuqay tuulooyin ka tirsan Gobollada
Mudug iyo Nugaal, gaar ahaan tuulooyinka Jalam, Roox, iyo Abaarey.
|
 | dad aad u tiro badan oo lagu xasuuqay Hargaysa oo
noqotay meesha uu rejiimkaasi u adeegsadey inuu ku duqeeyo diyaarado
|
 | ardaydii lagu xasuuqay Burco iyagoo samaynaya
mudaharaad caadi ah |
Goobaha ayaguna lagu xasuuqay dadka marxaladdii qolada
aan u bixiyey “LO’ GISIDA” oo ah Caydiid, Cali Mahdi, Cabdullaahi Yuusuf,
Jees, Moorgan iyo wixii la mid ah:
 | Goobo badan oo ka mid ah Muqdishu haba ugu
darnaadeen waqtigii ay USC Xamar ka saaraysey kali taliye Maxamed
Siyaad Barre iyo waqtigii ay isla USC hoos isugu noqotay oo u kala
baxday koox raacsan janan Caydiid iyo Cali Mahdi, waqtiyaashaas oo
shacab badan laysugu keenay goobo loo bixiyey “barta ama baraha
kawaanka dadka ” oo dadka loogu layn jirey koox koox |
 | Mismaanyo oo uu Axmed Cumar Jees si axmaqnimo ah
ugu gumaaday odayaal iyo aqoonyahan badan hal habeen ka dib markii
laga soo raafay guryahoodii |
 | Baydhabo |
 | Gaalkacyo |
 | Luuq & Buulo Xaawo |
Goobta isku fuuqsatay dhammaan goobahaas kore ama ugu
xanuunka badnayd waxay ahayd xasuuqii ka dhacay Dugsiga Sare ee lagu
magacaabo MAXAMUUD AXMED CALI kuna yaal Degmada Kaaraan ee Muqdishu,
agagaarka Isgoyska Sanca .
Goobtaas waxaa isku saacad lagu xasuuqay rag tiradooda
lagu sheegay 86 (sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ahaa ama ehelkii
marxuumiinta). Raggaas waxaa Dugsiga dhexdiisa ku haystey koox dabley ah
halkaasna ku gumaaday dhammaantood.
Xasuuqaas bahalnimada ahi wuxuu dhacay galab Khamiis
ah taariikhduna ahayd 10kii bishii Febraayo 1991, markay saacaddu ahayd
qiyaastii 4tii galabnimo.
Falkaas waxashnimada ah waxaa gaystay mooryaan ka amar
qaadanayse nimankii samaystay summaddii USC oo ay hoggaaminayeen janan
Caydiid iyo Cali Mahdi.
Haddaba, talooyinka aan soo jeedinayo waxaa ka mid ah:
In ugu yaraan dhowr ka mid ah goobahaasi ay noqdaan
meelo la xiro ama la xayndaabo ka dibna noqda meelo taariikhi ah oo
calaamad u noqda halaaggii ay soo martay Soomaaliya, saa sarteedna ka
cibrad qaadasho, khibrad, ka hortag belaayo la mid ah wixii dhacay
intaba ay u noqoto jiilasha dambe iyo taariikh qoreyaasha Soomaaliyeed,
kuwa shisheeye iyo gaar ahaan ardayda Soomaaliyeed.
Goobahaas aan soo taxay maaha in ay ku idil yihiin
meelaha lagu gumaaday dad Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan, hase
yeeshee waxaan u soo qaatay tusaale ahaan, waxaanna aad u jeclaan lahaa
in la sameeyo baaritaan oo ciddii haysa macluumaad kuwaas la mid ahi ay
ku soo bandhigto Shabakadaha Internetka Soomaaliyeed si ay uga
faa’iidaystaan dadka kaydiya taariikhda iyo da’yarteenna oo badi xiiso u
qaba in ay ogaadaan wixii dhacay, gaar ahaan kuwa ku nool dibedaha oo
ilaa 25 jirradoodu aysan si fiican u ogayn wixii ka soo eryey dalkoodii.
Haddaba, goobaha aan ku talinayo in la xayndaabo ama
laga xiro isticmaalka dadwaynaha waxaa ka mid ah:
1. Gabi ahaan Dugsiga Maxamuud Axmed Cali (waa in
magaca Dugsigaan loo baddalo QABUURAHA MAXAMUUD AXMED CALI gabi ahaanna
lagu wareejiyo darbi ama silig iwm)
2. Xeebta Jasiira halkii lagu xasuuqay ragga
3. goobaha lagu laayey dad badan oo rayid ah ee ay ka mid yihiin:
Hargaysa (waxaa bilow lagu daydo ah diyaaradda dagaalka oo laga dhigay
taallo xusuus ah Hargaysa); Kismaanyo; Burco, Mudug, Nugaal, Baydhabo,
Luuq, Buulo Xaawo, iyo meelaha kale oo la ogaado in ay ka dhaceen xasuuq
4. dhammaan goobahaas waa in lagu qoro magacyadii dadkii lagu xasuuqay
iyo wixii kale oo lagu calaamadayn lahaa sida: noocyadii hub oo loo
adeegsadey, waqtigii la gumaaday iyo ciddii lahayd mas’uuliyadda sida:
rejiimkii Siyaad Barre, USC iwm.
Rajo rajo yar ayaan ka qabaa in layga qaato talooyinka
kore, Soomaalidana hore loogama baran dad qaata aaraa’da nasteexada ah
ee danta guud, hase yeeshee rajo yaridu waxay dhaantaa rajo la’aanta,
waxaanna hubaa, haddii dhegaha laga furaysto talooyinka lama huraanka ah
in hawlaha socda ee loogu magac daray nabadaynta iyo dib u dhiska
Soomaaliya ay yihiin:
 | Xoog Doofaar Lagu Cayriyey, |
 | Hal Bacaad Lagu Lisay iyo |
 | Weel Hoos Ka Daloola Oo Wax Lagu Shubayo |
Waxaan ku soo xirayaa tixdan jacburka ah:
Dadkaan la hadlayaa ina odoow diirrimaad ma lehe
Anaa daalayee show qalbigu dhagax dixeed weeye
Anigaaba daaliye dheguu uma daloolaane
Waxaan duxi ka raacayn ayaa loo degdegayaaye
Waxay diintu faribaan cidiba hoos u dayahayne
Wixii daran ogooweey waxbaa kaaga sii darane
Inkastoon dagaal iyo halaag daayac soo aragnay
Inkastuu dalkii meel kastaba dhiiggayagu daatay
Dibindaabyo gebigiis dalkii meelna lama deyne
Dukun-daakun bay naga dhigeen duumo wada laysay
Waxaan uga dan leeyahayna waa dawladnimo beena
Soomaaliday u daran tahay haddaan lays dafirahayne
Cadowgay dantiis tahay qofkii daacadaa garane
Dugsi lagama helo aqal hadduu wada daloolaaye
Dantiis mooge wuu ka hor delfaa calallo duugoobey
Darbi jiif horteed waxad ahayd niman dadaalayne
Dulli adan is badin kuguma dhaco daa’in abidkaaye
Waxay daba socdaan waa waxaan duxi ka raacayne
Dagaal-ooge digifkaa ka daran waqay dufoobaane (dabo dhilifka)
Kuwa dagaal ku naaxaa iyana nooga sii darane
War ka daaya waxad doorateen wayna dilayaane
Dagaal ooge waa wixi dorraad daqarkan noo gaystey
Waa waxan duqow iyo ciyaal dumarna dhaafaynin
Waa wixi dhammaan aqalladii saqafka diiraayey
Waa waxa cadaawuhu dirsado sida u doonaaba
War ka daaya waxad doorateen wayna dilayaane
Waa waxan dariiqii alliyo diinta garanayne
Waa waxa duqowdii dalkiyo dhaqanki doorsheene
Waa waxan daryeelayn agoon ama diciifkiiye
War ka daaya waxad doorateen wayna dilayaane
Dagaal ooge waa cadow ka daran damal cadaabeede
War ka daaya waxad doorateen wayna dilayaane

|