|
Dilidda
Hogaamiye Dhaqameed oo La Dhaleeceeyey
(SHHRF 0050/2005, 29 June 2005)
(Somali version)
Xarunta Xaquuqul
Iinsaanka ee Suldan Hurre (SHHRF) waxay dhaleeco dusha uga tuuraysaa dilkii
Nabadoon Siciid Cumar Warsame oo lagu dilay Galkayo iyo Mursal Nuur Galow
oo lagu dilay Qardho, oo labaduba ka tirsan cuqaasha Ismaamul Goboleedka Puntland
Somaliya. Labada marxuun waxay ahaayeen labo nin oo bulshada magac ku leh.
Nasiib darro, waxaa labada loo dilay aano qabiil.
Dilalka hogaan
dhaqameed ee ku soo noq-noqanaya waa dhaqan cusub oo hadda ku soo kordhay
carriga Puntland, waxayna khal-khal galinaysaa deganaanshaha bulshada
halkaas ku dhaqan. Waxay ahayd labo sano ka hor markii tuulada Kalabayr
loogu dilay arrimo siyaaso la xariira suldaankii qiimaha badnaa ee Axmed
Maxamed Maxamuud (Hurre). Sultan Hurre wuxuu ka mid ahaa hogaamiye
dhaqameedyadii isku dayey inay hor istaagaan xukun kororsigii Cabdullahi
Yusuf ka dib markii wakhtigii xakunkiisii dhammaaday Juun 30, 2001.
Hogaamiye dhaqameed
waxaa la oran jiray waa biru-ma-goyso, oo macnaheedu yahay inaan
waranka loo quuri jirin ee uu ka qiimo badnaa dadka islaynaya. Islaynta
dadka waxaa xakamayn jiray xeer soo jireen ah oo si gaar ah u siin jiray
xasaanad dadka hogaamiye dhaqameedyadu ka mid yihiin ee bulshada dhexdeeda
qaaliga ku ah. Ilaa iyo burburkii qaranka waxaa dhacday in xeerkaas lagu
tuntay ee aan cidna loo aabo yeelin.
Gobollad Puntaland
iyo meelo kale, intii burburka ka dambeeysay, hogoomiye dhaqameedyadu waxay
ahaayeen kuwa buuxiyey meekhaankii dawladdu ka baxday gaar ahaan waxay
saldhig u noqdeen deganaanshaha bulshada, waxayna ahaayeen kuwo aad loo
qaddariyo. Dawrkooda nabad soo dabbalidu wuxuu ahaa mid aad bulshadu u
mahadisay..
SHHRF waxay ugu
yeeraysaa in Somalidu colaadeeda ku xallisato wadada wada hadalka iyo si
nabadda ee dhaqan ku dheehan.
Waxaan
dhaleecaynaynaa wixii wax dila, gaar ahaan ciddii disha hogaamiye dhaqameed
wa ka sii daran yahay.
Suldan Hurre Human
Rights Focus (SHHRF) |