DIID DILALKA SIYAASADEED
(SHHRF 0091/2007, 13 August 2007)
(Nuqul
Somali)
Ururka Xuquuqul Insaanka ee Suldaan Hurre (SHHRF)
wuxuu dhaleecaynayaa dilkii naxdinta lahaa ee loo geystey Cali Iimaan
Sharmaarke iyo Mahad Axmed Cilmi kuwaasoo ahaa labo weriye ee qiimo leh ee
Soomaaliyeed kuwaasoo gaarey heerkii ugu sarreeyey ee khibradooda
xirfadeed. Cali Iimaan Sharmaarke wuxuu wax ka aasaasay warbaahinta
HornAfrik, halka uu Mahad Axmed Cilmi uu daadihin jirey barnaaminkii caan
ah ee ka bixi jirey raadiyaha FMka ee Capital Voice oo qayb ka ah
Shabakada HornAfrik.
Waxaannu tacsi u diraynaa qoysaskii, qaraabadii iyo
asaxaabtii labadaas nin ee mintidiinta ahaa. Waxaannu kugu adkaynaynaa in
aadan isu dhiibin cabsigelin. Aamusinta warbaahinta oo loo marayo
cabsi-gelinta iyo dilka khaarajinta ahi waa qaab kale ee ah waxa loo
yaqaan “dhaqanka dilka siyaasadeed”.
Walow aan wali la aqoon gacan-ku-dhiigleyaashii,
fal-dembiyeedkaasi wuxuu shaki la’aan leeyahay calaamadaha dilka
siyaasadeed ee Soomaaliya ka socda labaataneeyadii sannadood ee la soo
dhaafay. Dadkii u dhintay waxa ay aamminsan yihiin waxaa ka mid ahaa
Elman, Faarax Dheere iyo Suldaan Axmed Hurre.
Sannad ka hor ayay ahayd markii Soomaaliya iyo
bulshada caalamku ka tiiraanyoodeen dilkii naxdinta lahaa ee Cabdulqaadir
Yaxye, ninkaasoo u taagnaa wanaagga dalkiisa. Yaxye marna uma uusan
malaynaynin in lagu hor dili doono xaaskiisa.
Dilkii Yaxye waxaa ka horreeyey dilkii siyaasadeed ee
Suldaan Axmed Hurre, kaasoo ku noqoshadiisii dalkiisii hooyo ay u keentay
in la khaarajiyo iyadoo aan cidna dembi loogu raacan dilkiisii.
Dilalkaan dambe ee soo noqday waxay ku tusinayaan
baaxadda dilalka siyaasadeed iyo sida kuwa dadka laynayaa ay u abuurayaan
xaalad ah ‘maxaa kaa galay cadowgaaga siyaasadeed mar haddii aad
khaarajin karti (isla markaana aammusin kartid)’. Dhaqankani wuxuu
wuxuu ka hirgalay dhammaan gobollada Soomaaliya kuwa ku guulaystayna waa
inta gaarta meelaha ugu sarreeya. Maanta Soomaaliya waa dal ay dadka ugu
qiimaha badani ay halis ugu jiraan in la dilo.
Warfaafin xilkas ah isla markaana xor waa shardi
muhim u ah nidaam kaalmo ka gaysan kara midaynta bulshada Soomaaliyeed
isla markaana xallin kara dhibaatooyinkeeda. Cabburinta ama baabi’inta
war-baahintuna waxay sii carqaladaynaysaa ama sii murginaysaa
wacyigelintii ay u baahnayd ee xagga isu dulqaadashadeeda bulsho iyo
siyaasadeed ee waxyaalaha la isku khilaafsan yahay.
Mid ka mid ah dariiqyada ay Soomaalidu uga bixi karto
dhibaatooyinkaan is dabajoogga ah waxaa weeye in aynnu niraahno “intaan
ayaa dhibaato noogu filan” markaana aynnu u istaagno diidmada/ka
hortagga dadka shaqada ka dhigtay kharbudaadda siyaasadeed.