Home  Our mission Contact Us | Somali Peace Rally | Free advert | Get Adobe Acrobat Viewer (free) 
About Sultan Hurre
SOMALI LINKS

(over 500 Somali links)
News/community
Online news
Culture/Literature
Religion
Radio/TV
Professional/Business
Personal pages

OTHER LINKS
Committee.to.Protect.Journalists

Benadir-Watch
I
nternational.Criminal.Court
UN Human Rights
Human.Rights.Watch
Amnesty International

Minnesota.Advocates.
      for
.Human.Rights

NOVIB Somalia
IRIN
International.Committee
           of
.the Red Cross

Somalia Refugees Report
Internationa.Crisis.Group
Kasmo Logo
 
Ururka Samafalka Jubbada Hoose
 
Issa Associates
 

 

 
 

DIID DILALKA SIYAASADEED
 (SHHRF 0091/2007, 13 August 2007)
(Nuqul  Somali) 

Ururka Xuquuqul Insaanka ee Suldaan Hurre (SHHRF) wuxuu dhaleecaynayaa dilkii naxdinta lahaa ee loo geystey Cali Iimaan Sharmaarke iyo Mahad Axmed Cilmi kuwaasoo ahaa labo weriye ee qiimo leh ee Soomaaliyeed kuwaasoo gaarey heerkii ugu sarreeyey ee khibradooda xirfadeed. Cali Iimaan Sharmaarke wuxuu wax ka aasaasay warbaahinta HornAfrik, halka uu Mahad Axmed Cilmi uu daadihin jirey barnaaminkii caan ah ee ka bixi jirey raadiyaha FMka ee Capital Voice oo qayb ka ah Shabakada HornAfrik.

Waxaannu tacsi u diraynaa qoysaskii, qaraabadii iyo asaxaabtii labadaas nin ee mintidiinta ahaa.  Waxaannu kugu adkaynaynaa in aadan isu dhiibin cabsigelin.  Aamusinta warbaahinta oo loo marayo cabsi-gelinta iyo dilka khaarajinta ahi waa qaab kale ee ah waxa loo yaqaan “dhaqanka dilka siyaasadeed”. 

Walow aan wali la aqoon gacan-ku-dhiigleyaashii, fal-dembiyeedkaasi wuxuu shaki la’aan leeyahay calaamadaha dilka siyaasadeed ee Soomaaliya ka socda labaataneeyadii sannadood ee la soo dhaafay.  Dadkii u dhintay waxa ay aamminsan yihiin waxaa ka mid ahaa Elman, Faarax Dheere iyo Suldaan Axmed Hurre.

Sannad ka hor ayay ahayd markii Soomaaliya iyo bulshada caalamku ka tiiraanyoodeen dilkii naxdinta lahaa ee Cabdulqaadir Yaxye, ninkaasoo u taagnaa wanaagga dalkiisa.  Yaxye marna uma uusan malaynaynin in lagu hor dili doono xaaskiisa. 

Dilkii Yaxye waxaa ka horreeyey dilkii siyaasadeed ee Suldaan Axmed Hurre, kaasoo ku noqoshadiisii dalkiisii hooyo ay u keentay in la khaarajiyo iyadoo aan cidna dembi loogu raacan dilkiisii.

Dilalkaan dambe ee soo noqday waxay ku tusinayaan baaxadda dilalka siyaasadeed iyo sida kuwa dadka laynayaa ay u abuurayaan xaalad ah ‘maxaa kaa galay cadowgaaga siyaasadeed mar haddii aad khaarajin karti (isla markaana aammusin kartid)’. Dhaqankani wuxuu wuxuu ka hirgalay dhammaan gobollada Soomaaliya kuwa ku guulaystayna waa inta gaarta meelaha ugu sarreeya.  Maanta Soomaaliya waa dal ay dadka ugu qiimaha badani ay halis ugu jiraan in la dilo.  

Warfaafin xilkas ah isla markaana xor waa shardi muhim u ah nidaam kaalmo ka gaysan kara midaynta bulshada Soomaaliyeed isla markaana xallin kara dhibaatooyinkeeda.  Cabburinta ama baabi’inta war-baahintuna waxay sii carqaladaynaysaa ama sii murginaysaa wacyigelintii ay u baahnayd ee xagga isu dulqaadashadeeda bulsho iyo siyaasadeed ee waxyaalaha la isku khilaafsan yahay. 

 Mid ka mid ah dariiqyada ay Soomaalidu uga bixi karto dhibaatooyinkaan is dabajoogga ah waxaa weeye in aynnu niraahno “intaan ayaa dhibaato noogu filan” markaana aynnu u istaagno diidmada/ka hortagga dadka shaqada ka dhigtay kharbudaadda siyaasadeed.

 

Sultan Hurre Human Rights Focus (SHHRF)
www.suldanhurre.org

 


Send mail to webmaster@suldanhurre.org
 © Copyright SHHRF